Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada “SAWIRRO”
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 20, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xulka kula wareegayay Wasiirka  cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Xafladda waxaa kalo ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Wasiir ku-xigeenno, Wasiiru Dowlayaal, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka, howlwadeennnada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa Howlaha Wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr ah oo muhiim u ah Dalka la hirgeliyay , kuwa kalana la ansixiyay. Wuxuu inta ku daray inuu Wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa shaqooyinka ay ka qabaneyso Wasaaradda.

“Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda Wasaaraddan” ayuu yiri Wasiirkii hore Duraan Faarax  oo inta ku daray “Muddadii aan hoggaaminayay Wasaaraddan waxaan ku dadaalay inaan dhiso hay’ad gudan karta waajibaadkeeda qaranku u idmaday. ”

Wasiirka cusub ee Wasaaradda shaqada ee maanta xilka la wareegay Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen  ayaa sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay Wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.

“Waxaan dadaal ku bixinaynaa sidii horey aan ugu sii wadi lahayn Wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed, waqtiga aan heysanno waxaan xoogga saari doonaa dardargalinta howlaha Wasaaradda.” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdiwahaab Ugaas Khaliif  oo sidoo kale u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxweynaha Dalka.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay Wasiirka xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee uu dalka u soo qabtey, isagoo ka rajeeyey Wasiirka cusub inuu si daacadnimo iyo wadaniyad ku jirto ugu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasime Bashiir Moallim “Waxaa Dhiiro-gelin Iyo bogaadin mudan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiiratay Maal-gashiga Iyo Iibsiga Diyaaradaha

Muqdisho(SONNA):-Run ahaant Maalgashiga Aviation -ka Garoomada Dalka Iyo Gaadiidka Hawada waxay ka dhigan tahay horumar weyn oo uu Dalkeenna ku…

GudahaWararka
June 30, 2024

Wasiirka Caafimaadka oo booqatay Isbitaalka Dr Sumait oo lagula tacaalo bukaanadda Covid-19+Sawirro

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka wasaarada caafimaad ka Xukuumada Fadraalka ah ee Soomaaliya Dr Fowsiyo Abiikar nuur ayaa maanta booqatay Isbitaalka Dr Sumait…

GudahaWararka
April 6, 2021

Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay dib u dhiska goobihii laga xoreeyay Khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Mudane, Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa maanta kulan muhiim ah…

GudahaWararka
January 11, 2023

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Amniga

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha…

GudahaWararka
January 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023