Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha, si loo dardargeliyo shaqooyinka Qaran ee horyaala guddiga.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho ay dadweynuhu codeeyaan, taas oo ah hadaf Qaran oo xukuumaddu leedahay.
“Xukuumadda DanQaran waxa ka go’an in ay Guddiga ka taageerto fududeynta hawlaha la xidhiidha hirgelinta heerarka kala duwan ee doorashooyinka qof iyo cod” ayuu yiri mudane Saalax Axmed.
Guddiga ayaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uga warbixiyey baaxadda shaqooyinka muhiimka ah ee horyaal iyo farsamooyinka ay tahay in loo maro, si looga miradhaliyo