Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salaax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha. Intii uu kormeerka ku jiray, wuxuu warbixin ka dhageystay hoggaanka Wasaaradda oo faahfaahiyay shaqooyinka muhiimka ah ee Wasaaradda, guulaha la gaaray, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo dalka.
Warbixinta ayaa xoogga lagu saaray Qorshaha Isbeddelka Qaranka, qorsheynta istiraatiijiga ah, maalgashiga, kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda, iyo mashaariicda horumarineed ee lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Salaax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale booqday waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo Hay’adda Istaatistikada Qaranka, isagoo si dhow ugu kuur-galay hawlaha shaqo ee socda una bogaadiyay shaqaalaha dadaalkooda iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin hirgelinta waajibaadka Qaranka.
Booqashadan shaqo ayaa qeyb ka ah kormeerada ay madaxda qaranka ku kor-joogteeyaan hufnaanta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada.