Abuja-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha la doortay ee Nigeria, Bola Tinubu.
Mudane Saalax ayaa yiri: “Dawladnimada Nigeria waxay soo martay waddo dheer, dhinacyada dimuqraadiyadda iyo federaalaynta, Inkasta oo aynu wax badan ku kala duwannahay, haddana wax badan ayaan ka baran karnaa waayo-aragnimada Nigeria sida, Federaalaynta Maaliyadda, Federaalaynta Garsoorka iyo dhinaca amnigaba.”