Qaahira (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aaad ee dalka Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar kaga qeyb galaya kulanka 12-aad ee madasha magaalooyinka Adduunka WUF12 oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dejinta Aadanaha (UN-Habitat).
Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa dejinta yoolalka horumarinta waara, magaalaynta, xakameynta caqabadaha hadda jira ee caalamiga ah ee saameeya nolol maalmeedka dadka kor u kaca kharashka nolosha, isbeddelka cimilada, la’aanta adeegyada aasaasiga ah iyo colaadaha adduunka ka socda.
Shirkan oo uu furay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-Siisi ayaa lagu qabanayaa qaaradda Afrika 20 sano kadib markii la aas aasay sanadkii 2002-kii