Xudur (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa magaaladaas waxaa uu kullan kula qaatay Dhamaan Masuuliyiinta degmooyinka Gobolka Bakool iyo Odayaasha Dhaqanka.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kala hadlay Gudoomiyaaha Degmooyinka sida wanaagsan oo ay kaga qaybteen dagaalka Maleeshiyaadka Al Shabaab.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Hey’adaha dhanka gargaarka inay tagaan magaalooyinka kala duwan ee Gobolka Bakool halkaas oo meelaha qaar ka jiraan xaaladu Bani’aadanimo aad u daran.
Dadka shacabka ee Gobolka Bakool ayuu uga mahadceliey sida ay isaga saareen Maleeshiyaadka Al Shabaab ee geesinimadda leh isagoona u sheegay in xudur uusan u tagin in Maamulka iyo Shacabkaas uu wax u sheego balse in wax laga faa’iideysto ay tahay iga.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa inta uu halkaas joogo waxaa uu sameyn doonaa in uu tago Xeryaha Ciidanka Qalabka sidda eec halkaas ku leeyihiin iyo meelo kale oo muhiim ah.