Baydhabo-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Haweenka Koofur Galbeed ku boorriyay in ay codkooda kor u qaadaan, si ay u qaataan doorkooda ku aaddan adkaynta Dowladnimada iyo horumarinta Dalka.
Mudane; Kheyre, oo Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay qaar kamid ah Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa caddeeyay in Haweenka Soomaaliyeed ay dul-qaad badan yihiin, qeyb muhiim ahna kasoo qaateen badbaadinta iyo samata bixinta Ummadda xilligii ay xaaladdu adkeyd.
Wuxuuna kula dardaarmay in ay midoobaan, wada-shaqeeyaan, oo ay ka leexdaan waddadii khilaafka, horumuudna ay ka noqdaan ka dhabeynta rajada Dalku leehayay iyo gaaridda hadafyada waaweyn ee la hiigsanayo.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay Boqolkiiba Konton ka yihiin Bulshada, aqoonna Ragga ay kala simanyihiin, suuragalna aysan ahayn in Dalku uu horumar gaaro, adduunyadana la tartamo haddii Haweenka aan xuquuqdooda la siin oo aan laga tala gelin ka shaqeynta danta iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Haweenka kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan sugidda amniga, Ciidankana ku dhiirri geliyaan gudashada waajibaadka saaran, xogtana ay la wadaagaan, si Bulshada Soomaaliyeed ay u hesho amni la isku hallayn karo.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la kulmay rugta ganacsiga Koofur Galbeed ayaa uga mahad celiyay doorka ay ganacsatadu ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii loo sii horumarin lahaa ganacsiga Dalka.