Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha Dooxa
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha Dooxa
Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha Dooxa

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 15, 2019
3 Min Read
Share

Dooxa- (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayreayaa khudbad ka jeediyay madasha 19-aad ee Dooxa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Khudbadiisa uga hadlay dowrka ganacsatada ee badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka, fursadaha dalka ka jira, sharciyada ganacsiga dhiirri gelinaya ee dowladdu meel marisay iyo rejada laga qabo in Soomaaliya ay noqoto jiha ay dunidu kusoo hirato.

Dowrka Ganacsatada

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa kaliya ee bulaalay dadkana badbaadiyay uu ahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay oo hantay kalsoonida dadka.

“Si muuqata ayay ganacsatada Soomaaliyeed u ahaayeen laf-dhabarta dalkeenna 30kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo keenayay badeecooyinka iyo adeegyada kale ee dalka looga baahan yahay. Xitaa markii ay adkayd in ay dadku isugu gudbaan gobol ilaa gobol, bahada ganacsigu waxa ay awoodi kareen in ay meel kasta oo dalka ah isaga gooshaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Isgaariinta Casriga Ah

“Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah isgaarsiinta ugu wanaagsan qaaradda Afrika, adeeg xawaaladeed oo casri ah oo adeegyo siiya Soomaalida iyo dad aan Soomaali ahayn oo ku nool dunida dacalladeeda, Habka xaawaadalaha lacagta ee mobile-lada loo adeegsado, kaas oo bishii sameeya 155 milyan oo xawilaad ah.” Ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay Khudbaddiisa Madasha Dooxa.

Dowladda iyo Dhiirri gelinta Ganacsiga

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda oo dadaal xooggan ku bixineysa dhiirri gelinta ganacsiga iyo ganacsatada una sahleysa maalgashiga Soomaaliya, ay saddexdii sano ee la soo dhaafay meel marisay sharciyada arrintaas la xiriira ee ay kamidka yihiin Xeerka Maamulka Maaliyadda, Sharciga Isgaarsiinta, Sharciga maalgashiga iyo Sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa, kuwaas oo dhamaan sahlaya in Soomaaliya ay noqoto meel soo jiidata maalgashadayaasha.

Soomaaliya waxa ay leedahay Imkaaniyaad aad u mihiim ah, Xeebta aad ugu dheer qaaradda Afrika, Khayraad kalluun oo aan wali sidii la rabay looga faa’iideysan, beero, macaadin, shidaal , gaas iyo adeegyo kale.

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa kale oo Khudbaddiisa ku sheegay in Khayraadka Soomaaliya ceegaaga ee maalgashiga u baahan uu horseedi karo in dhaqaalaha Soomaaliya uu si dhaqso ah u kobco, taas oo hagaajineysa xaaladda nololeed ee dadka hadii si wanaagsan looga faa’iideystana ay suugal noqoneyso Xaqiijinta amniga cuntada oo joogto ah, Abuurista fursado shaqo oo aad u badan, horumarka ganacsiga heer qaran iyo caalamkaba iyo Uruurinta dakhli badan iyo kordhinta wax soosaarka gudaha.

Soomaaliya: jihada cusub ee dunidu ku soo hiraneyso

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay noqoto jiho cusub oo dunidu ku soo hiraneyso sanadaha soo socda, maalgashadeyaashuna aysan ka qeyb qaadan oo kaliya dib-u-dhiska Soomaaliya, balse ay sidoo kale ka faa’iideystaan kheyraadka iyo imkaaniyaadka dalkeenna, Soomaaliyana ay kaalinteedii saxda ahayd ka ciyaari doontaa gobolka iyo dunidaba intiisa kale.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Labada gole ee Baarlamaanka oo meel mariyay Habraaca Wax ka badalka Dastuurka dalka.

DEG-DEG: Labada Gole ee Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyey Habraaca Wax ka badalka Dastuurka dalka. Waxaa Ogolaaday…

GudahaWararka
January 24, 2024

Chelsea oo diyaar u ah inay dalab ka gudbiso bisha Janaayo Weeraryahan ka tirsan kooxda AC Milan haddii…

London(SONNA)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay diyaar u tahay inay dalab rasmi ah ka gudbiso weeraryahan ka…

CaalamkaCiyaaraha
October 26, 2019

𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗺𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵

Muqdisho(SONNA):-Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxaa shir guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane…

GudahaWararka
January 19, 2023

Tuniisiya iyo Midowga Yurub oo gaaray heshiis ku saabsan kahortagga tahriiibka

Midowga Yurub iyo Tunisia ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashi dhammaystiran oo looga gol-leeyahay in lagula…

Caalamka
July 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023