Muqdisho-(SONNA)-Kulan looga hadlay isu diyaarinta howl-gallo ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada kooxaha Argagaxisadu ay Shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan, ayaa lagu qabtay xarunta taliska Booliiska ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Guddoomiyay shirka, waxaana goob-joog ka ahaa wasiirka iyo wasiiru Dowlaha maaliyadda, wasiiru Dowlaha difaaca iyo taliyaasha Booliiska iyo kuwa xoogga Dalka.
Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa faray dhammaan wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee kulanka ka qayb galay iyo hey’adaha Dowliga ah ee qaybta ka ah qorshaha, inay dar-dar geliyaan dedaallada lagu diyaarinayo howl-gallada, si loogu guuleysto xoreynta degaannada ay Argagaxisadu uga sugan yihiin Dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada Bulshada looga hir-gelinayo degaannada laga saaro Argagaxisada.
Taliyayaasha iyo wasiirrada kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay ku dhammeystirayaan qorsha xoreynta degaannada ay nabad-diidku Dalka uga sugantahay iyo hir-gelinta adeegyada ka dambeeya ee lagu horumarinayo Bulshada iyo degaanka.