Muqdisho, Arbaco, 06 Maajo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), oo uu hoggaaminayey Mudane Matthew Hollingworth, oo ah kaaliyaha dhanka mashaariicda ee
Maareeyaha Guud ee WFP, oo ay ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda cunna-yarida, abaaraha, fatahaada iyo raadadka soo laa-laabta ee ka dhasha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey wafdiga ka socday WFP xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo horumarrada la gaaray, iyo sidoo kale dhibaatooyinka ay sababeen abaaraha, oo ay kamid tahay cunna-yaridu. Waxa uu xusay baahida loo qabo in xal waara loo helo, maadaama xilligan la galay waqti roobaad, loona baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago sidii reer guuraaga iyo beeraleyda dalka loogu jiheyn lahaa ka faa’iideysiga wax-soo-saarkooda, si looga maarmaamo ku tiirsanaanta gargaarka dibedda.
Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey WFP doorkooda muhiimka ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay xilligan ka soo kabanayso dhibaatooyinkii dalka ragaadiyey. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay diyaarisay qorshayaal xal waara u noqon kara dhibaatooyinka keena cunna-yarida, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka ay dowladda gacan ku siiyaan sidii loo gaari lahaa isku-filnaansho.
Dhankooda, madaxda ka socotay WFP ayaa bogaadiyey guulaha ay xaqiijisay xukuumaddu ee ku aaddan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka soo laa-laabta ee keena cunna-yarida. Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen qorshayaasha dowladda ee ku aaddan in dalku gaaro isku-filnaansho, si looga maarmo gargaarka dibedda.
