Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Dr Axmed Ibraahim Nageeye, Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare ee Xukuumadda JFS.
Golaha Wasiirada ayaa horay u ansaxiyay xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, kuwaas oo ka koobnaa 15 xubnood.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa si weyn u bogaadisay magacaabista guddiga iyo taabbagelintooda.