Ra’iisul wasaaraha oo u hambalyeeyay xildhibaannada Aqalka sare ee maanta lagu doortay Jubbaland

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Maxamed Xueen Rooble ayaa hambalyo u diray xildhibaannada Aqalka sare ee manta lagu doortay magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka Jubbaland.

Mudane Rooble ayaa yiri ”Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada maanta la doortay ee Jubaland ku matalaya

Golaha Aqalka Sare ee kala ah;

  1. Xasan Daahir Yarow
  2. Ibraahim Aw-gaab
  3. Laylo Nuur Maax
  4. Maryan Faarax Kaahiye

Waxaan sidoo kale ugu hambalyeynayaa  Madaxweynaha, Baarlamaanka Jubaland iyo guddiyada doorashooyinka in ay soo dhammeystirka doorashadii Aqalka Sare.”

La wadaag cid kale