Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo daah-furay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo daah-furay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed
GanacsigaGudahaWararka

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo daah-furay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: March 27, 2021
2 Min Read
Share

 

Muqdisho, Maarso 27, 2021: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonta hubinta tayada, ilaalinta badeecadaha iyo cuntooyinka dalka soo gala, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay hay’addan bulshada, taasoo mas’uul ka ah dajinta siyaasadaha, dhaqangelinta sharciyada iyo habraacyada lagu hubinayo badqabka iyo tayada caafimaad ee cuntooyinka iyo badeecadaha.

“Dalkeennu waxa uu noqday meel lagu soo guro waxyaabha dhacay sida cuntooyinka, daawooyinka iyo iwm , laakiin maanta oo ay taariikhdu tahay 27 March, 2021 waxaan haysannaa halbeegyo lagu hubinayo dhammaan waxyaabahaas aan u baahanahay in tayadooda la koontaroolo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay munaasabadda daahfurka hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ku boorriyay ganacsatada in ay u hoggaansamaan halbeegyada tayo-dhowrka, si loo ilaaliyo tayada badeecooyinka kala duwan ee dalka la soo galinayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in ay feejignaadaan oo ay iska hubiyaan tayada cuntooyinka iyo badeecooyinka kala duwan ee ay iibsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku bogaadiyey shaqada adag ee hirgelinta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka tarjumayso kartida iyo dadaallada miro-dhalka ah ee lagu tallaabsaday.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guusha Dowladda Federaalka ee soo afjaridda khilaafka kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya

Muqdisho, (SONNA): Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in dowladda…

GudahaWararka
December 12, 2024

Wasiirka Ganacisga oo daah furay wajiga labaad ee mashruuca horumarinta wax soo saarka dalka “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif  Cabdi Cumar, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi, ku-xigeenka…

GudahaWararka
July 14, 2021

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠a 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 a𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 c𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲 muqdisho

𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐-(SONNA)-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐢𝐢𝐫𝐢𝐲𝐞 (𝐘𝐚𝐛𝐨𝐨𝐡) ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga…

GudahaWararka
March 5, 2025

Wasaaradda gaashaandhigga oo war ka soo saartay hawlgalka AUSSOM

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgelinta howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa ugu…

GudahaWararka
February 26, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023