Khartoum(SONNA)-Ra’isul wasaaraha Sudan Abdullahi Hamduuk ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala beegsaday gaarigiisa oo marayey caasimada Sudan ee Khartoum.
Shilka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saaka xilli uu ka sii baxayey gurigiisa oo ku yaal aagga Kafouri una sii socday goobtiisa shaqo ee Golaha Wasiirrada Sudan, iyadooย Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ay u sheegay BBC qeybteeda dibadaha lahadasha in gaariga uu ku qarxay qeybta hoose ee buundada loo yaqaan koobir , taasoo isku xirta magaalooyinka Khartoum iyo Bahri, halkaas oo kolonyada Raiisul Wasaaraha ay ku safrayeen.
Warka ayaa intaas ku daray in Hamduuk iyo shaqaalihiisuba aysan wax khasaaro ah soo gaarin oo ay bed qabaan, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weerarka lagu qaaday Raโiisalwasaare Hamduuk.
Hamduuk wuxuu qabtay jagada Ra’isal wasaaraha kadib afgembigii xukunka Madaxweynihii hore ee Cumar Xasan al-Bashiir, taas oo ku timid kadib mudaaharaadyo ballaaran oo muddo ka socday dalka suudaan oo dhan.