Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda muddane Biixi Iimaan Cige, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda oo uu goobjoog ka ahaa Raโiisul wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya mudane Xamze Cabdi Bare.
Xafladda waxaa kalo ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, howlwadeenada wasaaradda iyo masโuuliyiin kale.
Wasiirkii hore ee wasaaradda mudane Mudane Biixi iimaan Cige ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa hawlaha wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr ah oo muhiim u ah dalka la hirgeliyay, kuwa kalana la ansixiyay. Wuxuu inta ku daray inuu wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa shaqooyinka ay qabaneyso wasaaradda.
โWaxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda wasaaraddan, muddadii aan hoggaaminayay Wasaaraddan waxaan ku dadaalay inaan dhiso hayโad gudan karta waajibaadka qaranku u idmaday” ayuu yiri wasiir Biixi Iimaan.
Wasiirka xilka la wareegayย Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa sheegay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada inay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.
โWaxaan dadaal ku bixinaynaa sidii horey aan ugu sii wadi lahayn wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed , waqtiga aan heysanno waxaan xoogga saari doonaa dardargalinta howlaha wasaaradda.โ ayuu yiri Dr.Maxamed Cilmi
Raโiisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Bare ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay wasiirkii hore, isaga oo Wasiirrka Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee uu bulshada u qaaday, sidoo kale waxa uu Ra’iisal wasaaraha carabka ku adkeeyey in wasaaradda ay der dergeliso nidaamka dib u habeynta loogu sameenayo shaqaalaha dowladda.