Muqdisho (SONNA): Raโiisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo soo gabagabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.
Raโiisul wasaaraha ayaa ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.
Raโiisul wasaare Xamse ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga goโan tahay Xukuumadda Dan-qaran sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee aan la leenahay Midowga Yurub, isaga oo dhanka kale guul iyo nasiib wacan u rajeeyey danjiraha.
Dhankeeda danjire Tiina Intelmann ayaa ka mahadcelisay sidii diiraneyd ee loola shaqeeyey muddadii ay gudanaysey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.