Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo maareyeyaasha hay’adaha dowladda oo looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Kulanka ayaa daba socda go’aankii Golaha Wasiirrada ee la xiriiray in hay’adaha dowladdu ay doorkooda ka qaataan dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada, waxaana Ra’iisul wasaare ku xigeenku faray agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo maareyeyaasha hay’adaha dowladda in ay ku abaabulaan shaqaalaha si af iyo addinba ay uga qeyb qaataan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka lagula jiro cadowga, ayaa xusay in maanta la joogo dhammaadkii Khawaarijta, waddada kaliya ee guushan lagu sii xaqiijin karana ay tahay midnimo iyo wadajir ummadeed.