Muqdisho (SONNA): Raโiisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Jaamac ayaa daah-furay dib u eegista muddada dhexe ee qorshaha 9-aad ee horumarinta Qaranka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda qorshaynta iyo maalgashiga dowladda FS.
Qorshahan oo ku salaysan casharrada laga bartay qorshayaashii horumarinta Qaranka ee hore ayaa dowladdu waxa ay diyaarisay oo ay hir-gelisay qorshaha horumarinta Qaranka (2020-2024).
Qorshahan ayaa waxaa aasaas u ah afar-tiir oo kala ah; siyaasad loo dhan yayahay,ย amniga, sarraynta sharciga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Warbixintan ayaa ku salaysan qorshaha xukuumadda Dan-qaran ee ku aaddan horumarinta bulshada iyo in dalkeennu gaaro iskufilnaansho dhaqaale.