Muqdisho (SONNA): Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo qaar ka mid ah xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa booqday dhaawacyada ciidanka xoogga dalka ee ku waxyeeloobay qaraxii bahalnimo ee Khawaariijtu ay ka geysteen Kulliyadda Jaalle Siyaad.
Mudane Saalax oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo hawl-wadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah, isagoo xusay in dowladdu ay ku howlan tahay sidii dhaawacyadu u heli lahaayeen daryeelka ay u baahan yihiin.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u kuurgalay xaaladda dhaawacyada, isaga oo Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah, intii ku dhimatayna uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.