Muqdisho (SONNA)-Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha shacabka weydiistay inay siiyaan codka kalsoonida, taas oo u suura galinaysa inuu soo dhiso xukuumad cusub.
Waxa uu ka mahadceliyey islamarkaana aqbalay xilka uu madaxweynaha JFS u magacaabay ee wasiirka 1-aad ee dalka, siagoo xusay inuu ku kalsoonyahay mas’uuliyadda xil gudashadiisa.
Madaxweynaha dalka mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Ra’iisal wasaaraha cusub faray inuu sida ugu dhaw u soo dhiso xukuumad cusub marka uu helo kalsoonida golaha shacabka, taas oo sii wadi doonta hawlaha Qaranka oo ay ugu horrayso arrimaha doorashada dalka.