Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta munaasabadda maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da Maajo awgeed, waxaa uu hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa xusay doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka dalka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka ay geliyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka.
Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumadda Dan-qaran ay dadaal xooggan gelisay dejinta iyo ansixinta siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo xaqiijinaya xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana uu Alle uga baryay iyaga iyo qoysaskooda horumar iyo baraare.