Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: R/wasaare Xamsa“Waa in lagula xisaabtamaa Saraakiishii shaqada ku laheyd” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > R/wasaare Xamsa“Waa in lagula xisaabtamaa Saraakiishii shaqada ku laheyd” (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

R/wasaare Xamsa“Waa in lagula xisaabtamaa Saraakiishii shaqada ku laheyd” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 4, 2024
9 Min Read
Share

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, kaas oo sababay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah, waxayna ciidamada Dowladda gacanta ku dhigeen Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka,sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadam Xasan oo goor dhowed Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar kooxaha Khawaarijta arxanka daran ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido goobtaas oo ah goob Dadka Shacabka ahi wakhtigooda ku qaataan, isagoo intaasi raaciyay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, taasi oo sababtay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah, wuxuuna Afhayeenka sheegay in Ciidanka Ammaanku ka hortageen seddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta, kuwaasi oo rabay in ay guddaha Hotelka ku laayaan Shacabkii guddaha ku jiray isla goobtana ay ku toogteen Ciidanka ammaanka, isagoo xaqiijiyey in ay Ciidanku gacanta ku dhigeen Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, sidoo kalena goobta ku qabteen dhagarqabihii waday Baabuurka, sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay Wejigiisa ka muuqatay murugo ayaa sheegay inaysan Khawaaarijtu kala jecleyn shacab iyo dowlad, isagoo ku baaqay in loo midoobo, garabna loo noqda ciidamada Qaranka. “Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku laheyn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taasi oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi raaciyay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku laheyd goobaha la weeraray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalayku booqday isbitaalka Erdogan shacabka ku dhaawacmay falkii bahalnimada ee kooxaha khawaarijta ah ay xalay Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin, isagoo intaasi raaciya in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaasi oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.

Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay. “Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa isna Guddoomiyay kulan looga hadlaayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabkii khawaarijta ku xasuuqday Xeebta Liido, waxaana kulankan ka qayb ahaa Wasiirrada Warfaafinta,Waxbarashada, Caafimaadka,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiin kale, iyadoo Shirkan Wasaaradda cafimaadka iyo hay’adda SoDMA looga dhagaystay xalaadihii u dambeeyey iyo khasaaraha uu geystay Qaraxu, kaasi oo ah 32 dhimasho ah iyo 63 dhaawac ah.

Shir kale oo dhacay ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa qasaaraha guud xasuuqii khawaarijta ka geysatay Xeebta Liido, si guud dadka ay dhaawacyada soo gaareen  ee ku kala jira isbitaallada kala duwan ee caasimada, waxyaabaha kale ee kulankaan looga hadlay waxaa kamid ah in dhaawacyada kuwooda daran dalka dibaddiisa loo qaado iyo in loo bandhigo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada,  si ay u caawin lahaayeen ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada yaalla, kaasi uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayna yeesheen guddiga gurmad qaran, kaasi oo ka dhacay Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka.

Dhinaca kale Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii  kooxda Khawaarijta arxanka daran ay ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido, halkaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Culumada ayaa sheegtay in caqli, sharci iyo Diin midnka ku bannaaneyn falka dadkaas marasta ah ay ku gumaadeen Khawaarijta, waxayna ku tilmaameen masiibo weyn waliba fool xun.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqiiqdo iyo Diin sheegeysa aysan jirin in shacab muslin ah goob qura lagu wada laayo, wuxuuna ku baaqay in ay la sii laba jibaaro dagaalka lagula jiro Khawaarijta dhiigya cabka ah. “Caqiido iyo Diin sheegaysa ma jirto in dad Muslimiin ah oo meel iska joogo la laayo, dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay dagaalka sii labo jibaarto”. ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kana hadlay wixii xalay Khawaarijta ka fulisay Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Khawaarijtu tahay aqoom Alle fidneeyay, shacabka Soomaaliyeedna looba baahan yahay in ay iska qabtaan. ” Marka hore waxaan leeahay inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun, waxa meeshaas ka dhacay waa masiibo weyn, masiibo wali tan ugu fool xun ah, waxaan ku cambaareyneynaa erayada ugu adag, waa wax Islaamku beri ka yahay, wax Ilaah beri ka yahay waa waxa meesha ka dhacay, dad aan dambi gelin, cid ku xukuntay aanay jirin inta ay u soo galaan ay laayaan caqliyan, sharciyan iyo Diiniyan midna kuma bannaana, dadkaas ilaahey ha u naxariisto waa laga gardarnaayeen”. Ummadda Soomaaliyeed ayay Culumada ugu baaqeen in ay soo baxaan oo ay iska qabtaan cadowga Khawaarijta, kuwaasi oo si naxariista daro oo fool xun u laaynaya shacabka marasta ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Imaaraat-ka oo ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada dal

DUBAI-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah…

GudahaWararka
September 24, 2024

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Sakariye Cali Axmed

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay Ex Dable Booliis Sakariye Cali Axmed oo hore ugu…

GudahaWararka
August 26, 2023

Wasiir Fiqi oo Muqdisho ka daah-furay shirka wada tashiga Qaran ee Hindise sharciyeedka diiwaan gelinta madaniga ah

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan…

GudahaWararka
March 21, 2023

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah XFS oo kulan laba-geesood ah la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Serbia

Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jamaac "Huruuse" oo Ra’iisul Wasaaraha kala…

GudahaWararka
September 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023