Qof Shacab ah oo ku dhintay Qarax Miino oo Xagjirka Al-shabaab ay ka geysteen Wadada Ex-contarol Afgooye.

La wadaag cid kale

SONNA (MUQDISHO)- Qarax Miino oo ay soo maleegeen Argagixisada Alshabaab ayaa waxaa ku naf-waayay Hal qof oo shacab ah, Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Ex-contarol Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miinada soo boodda ayaa lagu qariyay wadada dhinaceeda, waxaana Argagixisadu ugu talagashay in ay ku xasuuqaan dadka Soomaaliyeed wadadaas isticmaala.

Marxuumka ku geeriyooday Qaraxa ayaa watay Gaari Dameer oo uu ku dabarayay nolosha qoyskiisa, balse dabkii u shidnaa qoyskaasi Soomaaliyeed iyo xoogii u adeegayay ba waxaa maanta nolosha u aqoonsaday ficilka Argagixisada Alshabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan weeraro Argagixiso ka geysta goobaha ay ku badan yihiin dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan, mana jiro wax kala sooc ah oo ay ku kala saaraan Bulshada halkaasi joogta.

La wadaag cid kale