Muqdisho,(SONNA):-Qof naftii halige ah oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku qarxiyay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala Baar Bulsho ee degmada Howlwadaag.
Waxaana ka dhashay Qasaare isugu jira dhimadho iyo dhaawac ka soo gaaraya dadkii ku sugnaa maqaayada sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir.
Ilaa 5-ruux ayaa ku dhintay halkaa ay ku dhaawacmeen 6 kale oo dhamaantood ahaa dadkii goobta ku shaah cabayay iyo naftii haligihii.
“Khawaarijtu waxaa bartilmaameed u ah shacabka Soomaaliyeed oo muslimiinta ah, insha allaah khawaarijta dalka waa la ga sifeyn doonaa”waxaa sida yiri Afhayeenka ciidanka boliiska Soomaaliya.