Qaramada midoobay ayaa shaacisay in ay 1.5 milyan oo dollar ugu deeqday la dagaallanka Ayaxa dhowaan ka dillaacay qaar ka mid ah Waddamada bariga Afrika.
Dhaqaalahan oo lasoo marsiiyay hayโadda QM u qaabbilsan Cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa inta badan loo isticmaali doonaa hawlgallada xakamaynta Ayaxa, iyadoo lagala dagaallamayoย hawada iyo dhulka.
Ku xigeen xog-hayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa, Farhan Haq ayaa sheegay in tan iyo Disembar 2020 ย ay duufaanno ka dhaceen bariga Ethiopia iyo bartamaha Somaliya oo ay ka dhacday tii ugu xoogga badnayd ee Gati.
Bishii la soo dhaafay ayay hayโadda Cuntada iyo beeraha QM u qaabbilsan ee FAO codsatay dhaqaale dheeri ah si sare loogu qaado la dagaallanka Ayaxa ka dillaacay ย waddamada bariga Afrika oo ay u horreyso Soomaaliya.