Muqdisho.(SONNA):- Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, ayaa maanta kula kulantay Muqdisho wafdi ka socday Guddiga Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, oo uu hoggaaminayay Sarjoh Bah, oo ah Agaasimaha Maaraynta khilaafaadka.
Catriona Laingย iyo wafdiga ka socday Midowga Aftika ayaa ka wada hadlay xaaladda kala-guurka amniga ee Soomaaliya, waxayna hoostana ka xarriiqeen sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay taageerada geedi socodkan.