Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: QM ‘guusha Soomaalidu waa la wareegidda amniga iyo horumarkooda’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > QM ‘guusha Soomaalidu waa la wareegidda amniga iyo horumarkooda’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

QM ‘guusha Soomaalidu waa la wareegidda amniga iyo horumarkooda’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 29, 2023
5 Min Read
Share

Sanad walba 24 Oktoobar waxaa loo dabaaldegaa Maalinta Qaramada Midoobay oo lagu maamuuso sannad-guuradii kasoo wareegtay dhaqan-galkii Axdiga Qaramada Midoobay ee 1945, kadib markii ay ansixiyeen dukumeentigan muhiimka ah wadamada saxiixayaasha ah intooda badan, waxaana si rasmi ah u howlgalay Qaramada Midoobay,

Munaasabad ka dhacday Magalada Muqdisho kadib ayay ka hadlashay Shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho oo lagu xusayay maalinta Qaramada Midoobay, ayay Ergayga Gaarka ah ee QM Catriona Laing, ku baaqday in horumar laga sameeyo geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya, iyadoo tiri “Dastuurku wuxuu qeexi doonaa doorarka”, waxay kaloo xustay inay ka go’an tahay xaqiijinta ka qeybgalka Haweenka ee nabadda iyo amniga.

Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, oo sidoo kale munaasabadda ka hadleysay waxa ay faahfaahin ka bixisay wada shaqeynta Qaramada Midoobay, dowladda iyo bulshada rayidka ah, si loo xaqiijiyo caddaaladda loo dhan yahay, gaar ahaan Haweenka, dhallinyarada iyo kooxaha la hayb-sooco, iyada oo loo marayo wada-hadal bulsho, xallinta khilaafaadka, iyo hoggaaminta haweenka ee caddaaladda, waxaa kaloo la xusay Halista ElNino ay ku yeelan karto xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya, iyadoo waliba Malaayiin qof ay ku sugan yihiin cunto yari, ayuu Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Gargaarka ee Soomaaliya, George Conway ku baaqay dhaqaale dheeraad ah si loo daboolo farqiga dhaqaale ee $2.6 bilyan ee Qorshaha wax ka qabashada Bani’aadamnimada, isagoo ka dhinac hadlayay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya.

Dhankeeda, Aisa Kirabo Kacyira oo ah Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku xustay hadalkeeda in guusha Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya lagu qeexi doono guusha marka Soomaalidu la wareegaan amniga iyo horumarkooda, waxayna mar kale xaqiijinaysaa in UNSOS ay ka go’an tahay taageerad ATMIS iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya xaqiijinta Soomaaliya oo nabad ah, iyadoo gabagabadii shirka jaraa’id, masuuliyiinta Qaramada Midoobay waxay bogaadiyeen horumarka Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka gaareen, Nabadda, Horumarka, Xuquuqda Aadanaha, waxayna carrabka ku adkeeyeen sii joogteynta Qaramada Midoobay  ee lagu gaarayo Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

Dowlada Soomaaliya waxay marba mark aka dambeysa ku talaabsaneysaa horumar tar-tiib tar-tiib ah, waxaana laga dareemayaa in Miisaaniyadda dowladda ay sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.) taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 25%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka aan caadi aheyn shir-guddoominayay ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

Isbarbar dhigga miisaaniyadda seddexdii sanno ee u dambaysay waxaa ka muuqda isbeddel iyo horumar, taasi oo ku timid kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dagaal adag la gashay Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta, iyadoo aan ogsoonahay in Dad badan loo soo istaajiyay Maxkamadda, iyagoo qaarkood xukun ku dhacay, qaar kalena la sii daayay kadib markii dambiga lagu eedeeyay lagu waayay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa warbixin kooban ka bixiyay Miisaaniyadda iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay kuwii hore. “ waxaa aad u farxad leh in 3-dii bilood ee la soo dhaafay uu dakhliga gudaha uu kordhay in ka badan boqolkiiba shan iyo labaatan (25%), halka kororka guud ee Miisaaniyadda uu dakhliga gudahuna ka yahay 22%, marka waxaad dareemaysaa in dakhliga guduhu uu xaddiga gudaha uu kor uga kacayo marba marka ka sii dambeysa, waa arrin in la bogaadiyo u baahan oo taariikhi ah, haddii ay sidaasi ku soo socotana ay keeni karto dhammaan kharashaadka gudaha laga dabooli doono”, ayuu sii raaciyay Wasiirka.

“Waxaan hadda wadnaa in dakhliga guduhu ku fillaado Mushaaraadka iyo Gunnooyinka Dowladda oo aan kab uga baahneyn meele kale nooga yimaada, arrintaasi arrin weyn weeyaan, waxaana ugu baaqayaa in Shacabku Soomaaliyeed ay bixiyaan Canshuurta, si adeeggooda dib loogu celiyo sida Waxbarashada, Caafimaadka, Waddooyinkana loogu dhiso, waxaan kaloo sugeynaa in sanadkaan dhammaadkiisa la inaga cafiyo Deymanka”, ayuu Wasiir Biixi hadalkiisa sii watay sidaasi sii raaciyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kormeer ku tegay Talisyada Ciidamada NISA iyo Booliiska

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo…

GudahaWararka
March 16, 2024

Wafdi ka socda dowladda federaalka oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Beledxaawo

Beledxaawo(SONNA):-Xildhibaan Baale Ibraahim Cabdi oo ka tirsan BFS, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Cabdifitaax Cabdulqaadir Faarax iyo saraakiil…

GudahaWararka
August 1, 2025

Wasiirka Qoyska oo golaha Wasiiradda uga mahadcelisay mudo cusboonaysiinta Golaha Wasiiraddu u sameeyeen gudidda Naafada Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahad celisay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka…

GudahaWararka
January 23, 2025

Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loo soo xiray “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Tababar ku saabsan baarista dukumiintiga safarka (Baasaboor iyo Fiisaha) iyo hubinta qofka ku safraayo lahaanshihiisa dukumiintiga safarka ayaa maanta…

GudahaWararka
May 20, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023