Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Qaramada Midoobay oo dooneysa in maxkamadda ICJ ay qoraal ka soo saarto heysashada Israel ee dhulalka Falastiin
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Qaramada Midoobay oo dooneysa in maxkamadda ICJ ay qoraal ka soo saarto heysashada Israel ee dhulalka Falastiin
Caalamka

Qaramada Midoobay oo dooneysa in maxkamadda ICJ ay qoraal ka soo saarto heysashada Israel ee dhulalka Falastiin

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
2 Min Read
Share

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar ugu baaqaya maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) inay ra’yi ka bixiso qadiyadda ku saabsan boobka sharci darrada ah ee Israa’iil ay ka waddo dhulka Falastiiniyiinta.

Golaha ayaa weydiistay maxkamadda ICJ in ay bixiso fikrad la-talin ah oo ku saabsan cawaaqibka sharciga ah ee ka dhalan kara qabsashada iyo deegaameynta ay ka waddo dhulalka Falastiin.

Qaraarka Qaramada Midoobay waxa kale oo uu waydiisanayaa ICJ inay ka taliso sida siyaasadahaasi iyo dhaqamadaas ay u saameeyaan heerka sharci ee dhammaan wadamada iyo Qaramada Midoobay.

87 ayaa u codeeyay qaraarkaasi,halka ay diideen 26 ,waxaana ka aamusay 53 dal, iyadoo wadamada reer galbeedka ay ku kala qeybsameen arrintaasi,laakiin taageero wada jir ah laga helay caalamka Islaamka oo ay ku jiraan dowladaha Carabta ee caadi ahaan soo celiyay xiriirka Israel.

Safiirka Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa xusay in codeynta ay timid hal maalin kadib markii la dhaariyay xukuumadda cusub ee Israa’iil oo ballan qaadday ballaarinta deegaamaynta Yuhuudda iyo in ay dardargeliso siyaasadaha gumeysiga iyo cunsuriyadda ay ku heyso dadka Falastiiniyiinta.

Madaxda Falastiin ayaa soo dhoweeyay tallaabadaasi ,waxayna ka dalbadeen dalalka caalamka ee aaminsan sharciga iyo nabadda in la tixgaliyo ra’yiga maxkamadda ICJ ee lafilayo in la gaaro waqtiyada soo socda.

Maxkamadda ICJ ayaa markii ugu dambeysay culeys saartay arrinta ku saabsan qabsashada Israa’iil ee dhulalka Falastiin sanadkii 2004-tii, markaasoo ay xukuntay in darbiga Israa’iil ay ka dhistay Daanta Galbeed ee la heysto iyo Bariga Qudus uu yahay sharci darro.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxaad kala socotaa Fadliga Soonka maalinta (Caashuuraa) iyo sababta ay ku timid?

Muqdisho(SONNA) Inta badan dunida Islaamka ayaa sooma soonka sunada ah ee loo yaqaano yowmul Caashuuraa,taasi oo ay kaga dayanayaan rasuulkeena…

CaalamkaWararkaWaxbarashada
September 8, 2019

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Uganda uga qaybgalaya shirka xeer ilaaliyaasha bariga Afrika

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qeyb galay shir sanadeedka 10-aad ee ururka xeer ilaaliyaasha…

CaalamkaGudaha
February 27, 2023

 Israel oo loogu baaqay in ay joojiyaan weerarrada ka dhanka ah Suuriya

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka ah ee Israel ay ka waddo gudaha Dalka Suuriya,…

Caalamka
December 13, 2024

Israel oo loogu baaqay in ay joojiyaan hawlgallada ciidan ee Daanta Galbeed

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Israel ay…

Caalamka
August 29, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023