Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda oo kormeer ku tagay goobaha laga qaato kaarka codbixinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda oo kormeer ku tagay goobaha laga qaato kaarka codbixinta
GudahaWararka

Qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda oo kormeer ku tagay goobaha laga qaato kaarka codbixinta

By Abdulkadir
Last updated: December 8, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmooyinka ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta, iyagoo bulshada ku wacyigelinayey muhiimadda ay leedahay in la qaato kaarka si loogu diyaar garoobo doorashooyinka qof iyo cod ah.

Wasiirrada Warfaafinta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Beeraha iyo Batroolka, ayaa booqday degmooyinka Kaaraan, Deyniile, Warta Nabadda iyo goobo kale. Waxay shacabka ugu baaqeen in ay ka faa’iideystaan fursadda oo ay qaataan kaarka codbixinta.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Saalim Caliyow Ibrow, ayaa sheegay inay Deyniile u tageen kormeerka qaadashada kaarka codbixinta ee doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa yiri “Doorashooyinkaan waa xor, qof kastana wuxuu xaq u leeyahay inuu u codeeyo xisbiga uu doonayo, dadka reer Kaaraan taariikhda qormeysa ee Soomaaliya ay ku taameyso ayey kaalin weyn ku leeyihiin.”

Wasiirka Wasaaradda Batroolka ee XFS, Daahir Shire Maxamed, “Reer Kaaraanow, kaararkiinna qaata oo soo doorta masuulka degmadiinna ee birito 25-ka December, ayaana noo ballan ah, waxaana rajeynayaa in degmadaan ay hormuud u noqoto gobolka Banaadir.”

Sidoo kale, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabid Xayir Mareeye, oo booqday degmada Deyniile, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee u socota diyaar-garowga doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Maxamed Cabdullaahi Socdaal,ayaa sheegay in bulshada degmada Kaaraan ay diyaar u yihiin in codkooda ay ku ceel baxaan kana qeyb qaataan doorashada golaha degaanka.

“Bulshada degmada Kaaraan waxay diyaar u yihiin inay codkooda ku ciil baxaan oo ay soo doortaan golaha deegaanka iyo guddoomiyahooda mustaqabalka ee ddegmada”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Socdaa

Wakiilka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee degmada Kaaraan Dubad Barre “Kaarka codeynta waxaa qaadatay 22 kun oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba kamid ah, waxayna dooran doonaan qofka ay ka dhex arkaan inuu masuuliyadooda qaadi karo.”

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga Qaran ee doorashooyinka oo kormeer shaqo ku maraya dowlad goboleedyada

Muqdisho-(SONNA)-Wafdi ballaaran oo ka socda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa safar shaqo oo kormeer ah ku jooga…

GudahaWararka
January 28, 2025

𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 s𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 h𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

Geneva-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Geneva kaga qaybgalay munaasabad looga hadlayay dardargelinta…

GudahaWararka
May 21, 2025

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Muqdisho (SONNA): Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii…

Gudaha
February 28, 2026

Shir looga hadlayay bilaabidda xaraynta ergada doorashada Golaha Shacabka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Shir looga hadlayay bilaabidda xaraynta ergada doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa Muqdisho ku yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal…

GudahaWararka
October 14, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023