Garoowe: (SONNA):-Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shir ku saabsan Arrimahaย abaaraha degaannada Puntland.
Ujeedka shirka ayaa ahaa ka jawaabida xaaladda abaaraha Puntland ka jira, Shirka waxaa ka qeyb-galay dhammaan Masuuliyiinta iyo Wakiilada Hayโaddaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Puntland waxaana la iskaga xogwareystay xaaladadaha abaaraha ee guud ahaan saaameyey dhamaan Gobollada Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la wadaagay Shirka, in Puntland ay ka goโantahay ayna dadaal ku bixinayso ka jawaabista Xaaladaha baniโaadanimo ee ka dhasha Abaaraha iyo garab istaaga Shacabka. Wuxuuna faray dhammaan Hayโadaha Dowladda in arrintaasi lagala shaqeeyo Guddiga Abaaraha u xilsaaran iyo Hayโaddaha la shaqeynaya.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee Puntland, Masuuliyiinta Hayโadda Hadma, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.