Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
    Bayaan ku saabsan booqashada sharci darada ah ee Israel ay ku tageen Gobolka Woqooyi Galbeed ee JFS
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Pakistan oo India ku eedeysay maalgalinta Islaam naceybka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Pakistan oo India ku eedeysay maalgalinta Islaam naceybka
CaalamkaWararka

Pakistan oo India ku eedeysay maalgalinta Islaam naceybka

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 26, 2020
2 Min Read
Share

Islamabad (SONNA)- Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan ayaa ku tilmaamay India in ay tahay dal maalgelineya islaam naceybka, taas oo abuuraysa kala fogaansho, waxaa uu si weyn u cambaareeyey sida India ula dhaqanto gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir qaybta ay India maamusho.

Waxa uu hadalkan ka sheegay kulanka golaha oo loo dhan yahay ee QM oo sanadkan lagu qabtay Online-ka, isu imaatinkiina loo baajiyey COVID-19 awgiis, isagoo xusay in India maanta khatar ku heyso nolashada ku dhowaad 200 oo milyan oo Muslim ah.

“Maanta waxaa jira wadan oo aan ka xumahay in aan ku iraahdo wuxuu maalgeliyaa islaam naceybka waana India. Sababtana waxaa ay tahay dalkaas waxaa maamula koox aamisan fekrad khaldan, waana nasiib darro in maanta India u taliyaan kuwaas,” sidaa waxaa sheegay Khaan.
“Waxay aaminsan yihiin in India Hinduugu leeyihiin inta ka soo hartayna yihiin muwaadiniin ayaga aan la mid aheyn .”

Ra’iisul wasaare Khaan ayaa had iyo jeer waxaa uu dhaleeceeyaa go’aanka ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi August sanadkii hore ka qaatay gobollada Jammu iyo Kashmir oo la hoos geeyay dowladda dhexe ee India isla markaana dastuurka dalka laga saaray qodobka sheegaya is maamul hoosaadka gobolladaas.

Labadan dal ee dariska ah isla markaana ku hubeysan Nuclear ayaa midba kan kale ku eedeeyaa in uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan gobolka Kashmir, India waxay Pakistan ku eedeysaa in ay tababarto isla markaana hubeyso kooxaha ka soo hor jeeda xukunka New Dehli, halka Pakistan ku eedeyso India in ay mas’uul ka tahay xuquuq la’aanta malaayiinta ku nool gobolkaas.

Guddi gaar ah oo QM u saartay arrinta Kashmir ayaa dowladda India ugu baaqay in ay qaado talaabo deg deg ah.
Ra’iisul wasaare Khaan ayaa sidoo kale, khudbadiisa sanadkii hore uu u jeediyay QM waxaa uu ku soo qaatay dhibaatada lagu hayo muslimiinta dunida, isagoo sheegay in dalal badan xadgudub kula kacaan Muslimiinta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliya, isagoo diiradda saarey arrimaha…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi oo ka hadlay wada hadallada Soomaaliya iyo Ethiopia 

Muqdisho(SONNA]:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay warbaahin Qaranka oo xog cusub ka bixiyey…

GudahaWararka
November 9, 2024

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo lagu soo xiray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb(SONNA):-Waxaa maanta lagu soo xiray magaalada Dhuusamareeb tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo socday muddo laba maalmood…

GudahaWararka
August 14, 2025

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo ka Warbixisay Kiisaskii ugu dambeeyey ee COVID-19

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku…

Wararka
June 16, 2020

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo gaadiid ku wareejisay Jubbaland “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa waxaa…

GudahaWararka
October 14, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023