Kismaayo(SONNA(:-Odayaasha iyo waxgaradka degaanada maamulka jubbaland ayaa sheegay in ay garab taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka ee dagaalka kula jira khawaarijta.
“Hadaanu nahay Odayaasha Dhaqanka Jubbaland waanu garab taaganahay ciidamada dhiigga iyo dhuuxa ino huraya” mid kamida Odayaasha Dhaqanka Jubbaland.
Odayaasha ayaa tilmaamay in diyaar u yihiin in ay ku shahiidaan cadawga arxanka daran ayna ciidamada kala qeyb galayaan howlagallada ka socoda degaannada jubbaland.
“Waxaa iga go’aan inaan ku shahiido degmada Badhaadhe anigo garab jooga ciidamada geesiyada ah ee Jubbaland lana dagaalamaya Khawaarijta”sidaa waxaa yiri Ugaas Cabdullaahi Siraad Cabdi.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ballaaran ka wada degeena dhowr ah oo katirsan maamulka jubbaland,iyadoo aat ciidanku la waregeen gooba ay cadawga mudda gacanta ku hayeen.