Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Nuxurka War-murtiyeedka shirka 6-aad ee Golaha Wadashiga Qaran (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Nuxurka War-murtiyeedka shirka 6-aad ee Golaha Wadashiga Qaran (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Nuxurka War-murtiyeedka shirka 6-aad ee Golaha Wadashiga Qaran (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 29, 2023
9 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Shirkan oo ahaa kii 6-aad ee ay isugu yimaadaan Madaxada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka iyo kan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan ka furmay Magaalada Muqdisho, kaasi oo socday muddo seddex cisho ah ayaa looga hadlay qodobo wax weyn ka tari doona Masiirka Ummadda Soomaaliyeed, jiheynta siyaasadda Dalka iyo qoddobo kale oo muhiim u ah dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Shirku intii uu socday waxaa madasha horteeda looga dhageystay warbixin faahfaahsan ย oo ku saabsan Dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidan Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage, iyagoo aad ugu dheeraday guuliha la gaaray ilaa iyo hadda , waxayna xuseen in dhawaan la soo afjari doono wajiga 1-aad, loona gudbi doono wajiga 2-aad, kaasi oo lagu wado in laga bilaabo deegaannada dhaca Webiga Jiinkiisa.

Kadib falanqeyn iyo fikir is weydaarsi waxaa ย Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Muqdisho, waxaana laga soo saaray toddoba qodob, Shirka waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, iyo shanta Madaxweyne Maamul goboleed ee Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Jubbaland , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) Koonfur galbeed, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor Galmudug, Cali Cabdullahi Xuseen GuudlaaweHirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Madaale.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga dooday ajendayaal muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Hanaanka Doorashooyinka Dalka, xaaladda Amniga Dalka gaar ahaan u diyaar garowga Wejiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab, islamarkaana lagu ciribtirayo kooxdaasi, dhameystirka deyn cafinta, fulinta heshiisyadii hore ay goluhu hore u gaareen, arrimaha fatahaadaha ee webiyada Shabeelle iyo Jubba iyo khasarooyinkii ka dhashay, waxayna ugu dambeyntii ka soo saareen qodobo dhowr ah, waxaana iyadoo la tixraacayo heshiisyadii iyo War-murtiyadeedyadii ka soo baxay shirarkii hore ee Golaha wadatashiga Qaran, Goluhu waxa uu ka wada hadlay, kuna heshiiyay Qodobada ay ka mid ahaayeen:-

Qodob ka hadlaayay arrimaha Amniga, Golaha wadatashiga Qaran waxa uu bogaadinayaa guulaha laga gaaray Istaraatiijayada Qaran ee la dagaalanka Argagaxisada ee ku aadan howlgalada dhanka Militariga ah oo ay horseed ka yihiin Ciidan Xoogga Dalka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo horseeday xasiloonida guud ee Dalka gaar ahaan amniga Caasimadda.

Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay shirka wadatashiga waxaa kaloo ka mid ahaa qodob ka hadlaayay Doorashooyinka oo muhiimaddiisa lahaa waxa uuna u qornaa sidan:-

Goluhu isagoo ka ambaqaadaya hanaanka doorashooyin ayaa waxa uu goaan kun gaaray 1. HANAANKA DOORASHOOYINKA. A)Golaha wadashiga Qaran waxa uu ku heshiiyay in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ku tartamayaan Laba Xisbi Qaran oo kaliya.

  1. B) Hanaanka Doorashooyinka Dalka wuxuu noqonayaa nidaamka Matalaadda isu dheelitiran ee Liiska Xiran.
  2. c) Liisaaska Xisbi walba waa inaysan ka badnaa labalaab kuraasta loo tartamaayo

Qodobka 2-aad ayaa ayaa ka hadlaayay deegaan doorashada oo isna sidan u qoran:- ย Goluhu waxa uu ku heshiiyay in Kuraasta loo tartamaayo lagu soo doorto Hal deegaan doorasho.

Qodobka ka hadlaaya Doorashada Baaarlamaanka waxaa lagu tartamayaa habka Xisbiyada badan.

Qodobka 6-aad ayaa sheegaya in a) xubnaga Golaha deegaanka waxaa si toos ah u soo dooranaya bulshada Deegaanka. B) Kuraasta Golaha deegaanka waxaa ku tartamaya Urur Siyaasadeedyada. C)labada Urur siyaasadeed ee ugu codka badan ayaa noqonaya ee labada Xisbi Qaran ee uu Dalku yeelan doono.

Ka dib, bayaankii wadajirka ahaa ee ka soo baxay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee heshiiska rasmiga ah kaga gaaray arrimaha amniga, doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda dalka iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore ay u gaareen xubnaha golaha, ayaaย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay hareer joogaan xubnaha kale ee golaha Wadatashiga Qaran oo shir jiraaโ€™id u qabtay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay heshiisyada goluhu ay gaaraan iyo waxyaabihii dhaliyay, isagoo tilmaamay taariikheynta halgankii iyo dadaalkii dheeraa ee loo soo galay Dowlad dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka ayaa tilmaamay in la soo gaaray bar-dhammaad ay adag tahay in lagu sii socdo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in lagama-maarmaan ay tahay in talada shacabka lagu celiyo.

โ€ Wuxuu dalku u baahan yahay dib-u-dhis, maalgelin iyo inuu soo kabto dhammaantii, intaas oo dhan waxaa shuruud u ah dalku inuu leeyahay Dowlad sal-ballaaran oo sharciyad ballaaran leh, dadka Soomaaliyeedna si dhab ah u matasha,matelaad duruufo ay keentay waa soo haysan jirnay, walina waa haysanaa, laakiin markan inaan ka sii ballaarino oo matelaad ku saleysan codka shacabka iyo goโ€™aanka shacabka Dowladnimadeennu in ay ku saleysnaato,โ€ ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiriโ€ Dalka haddii aan xoreyno, waxa ugu horeeyo uu u baahan yahay waa nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan, inta badan dalka oo nimanka Khawaarijta ah ku habsadeen ku fadhiyeen muddada 15ka sano ah maanta inta laga kiciyay iyo inta dhiman ee laga kicin doonaba waxay u baahan yihiin Dowladnimo iyo xukun in la gaarsiiyoโ€,.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaargarow-baan doorashadaas qof iyo codka ah, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan furneyn waddo kale oo ah in tallada lagu celiyo shacabka.โ€ Waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed walaalayaal meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay cabsida aan yareyno, shakiga aan ka baxno, 30-sano ka dib, Qof Soomaaliya xoog ku haysan karto malahan, nin isaga shaatigiisa toshay oo iska joogi karo malahan sheekadaas waa soo dhammaatay, dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsiggeedu yar yahay oo degganaasho siyaasiyaadeed leh ayaa u baahan mahay, dalkan siyaasad qariban tahay ayuu 30-sano meeshan u joogaa,โ€.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadu, qodobada kale ee uu ka hadlay waxaa ka mid ah, dadaalka Dowladdu ay waddo ee Barnaamijka Deyn cafinta oo uu tilmaamay inuu gaba-gabo marayo, ahmiyadda Barnaamijkan ayuu madaxweynihu si weyn u faah faahiyay.โ€ Dalka Deyn cafinta, lacag dhowr bilyan oo Dollar oo Soomaaliya muddo dheer lagu lahaa ayaa laga cafinayaa laga tirayaa, Soomaaliya waxay u yeelaneysaa fursad in ay caalamka la macaamiisho, in ay deyn kale, qaadan karto, in ay dad ajaaniib ah iyo maalgashi toos ah waxa Afka qalaad lagu yiraahdo ( Direct Foreign Investment) in ay heli karto, dadka Soomaaliyeed in ay iyagu dalkooda maalgashan karaan, dadka Ajanabiga ee saaxiibada ah in ay dalka yimaadaan maalgashan karaan, waxay u baahan tahay si dalka loo maalgeliyo Dowlad sharciyad ballaaran dadka ka haysata oo dimuqraadi ah oo codka dadka ku timid,โ€. Ayuu yiri Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Ugu dambeyntii Madaxda heer federaal iyo heer Dowlad gobolleed ee ku mideysan golaha wadatashiga qaran oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay heshiis ugu gaareen arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo dhaqangelinta heshiisyadii hore goluhu u gaaray, nuxurkeeduna yahay tallaabo hor leh oo hore loo qaaday, qaab siyaasadeed daahfuran iyo iyadoo Dowladdaan ay dhusan tahay 1 sano oo kaliya sii bayaanisay in laga gudbo nidaamkii lagu soo caana maalay ee ahaa 4 5 ka, lana sii iclaamiyay Nidaamka Xisbiyada badan ee Qof iyo Cod.

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare xigeenka oo kormeeray Markab Sida Shixnad Gargaar

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeeray, goobjoogna ka ahaa shixnad 3,000 oo tan…

GudahaWararka
October 19, 2024

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo ay wehelinayeen…

GudahaWararka
October 19, 2025

Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdulbaari oo baaq u jeediyay Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho, (SONNA): Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdulbaari oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo…

GudahaWararka
August 1, 2024

Guddoomiyaha Shabeellada hoose oo maanta booqanaya Baraawe

Baraawe-(SONNA)- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabellada hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer howleed ku…

GudahaWararka
November 22, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023