Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Norway oo Soomaaliya siineysa deyn gaareysa $353 Milyan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Norway oo Soomaaliya siineysa deyn gaareysa $353 Milyan
Wararka

Norway oo Soomaaliya siineysa deyn gaareysa $353 Milyan

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 11, 2019
4 Min Read
Share

Oslo-(SONNA)-War saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Norway ayaa lagu sheegay in ay Dowladdoodu Soomaaliya siin doonto deyn gaareyso 3,1 bilyan oo lacagta Norwey ah, una dhiganta 353 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in deyntan ay ku caawineyso Soomaaliya, si ay isaga bixiso deynta looga leeyahay Sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka ee loo yaqaan IDA.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo labo bil kahor booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, ayaa maanta saxaafada Norway u sheegtay in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay Soomaaliya ka hirgashay xasilooni amni iyo mid siyaasadeed. Waxeyna dowlada Soomaaliya ku amaantay fulinta qorshayaasha amni iyo kuwa siyaasadeed ee dib loogu soo nooleynayon nidaamka maaliyadeed ee wadanka, kuwaas oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin horumarka guud ee Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay wali ku sugantahay xaalad nugul, sidaas darteed deynta ay Norway ku caawineyso Soomaaliya, ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka dib usoo noqoshada hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in deyntan aysan aheyn mid toos loo siinayo Soomaaliya, balse ay tahay mid Norway ay ku shubeyso sanduuqa horumarinta ee Bankiga aduunka, waxaana wixii intaas ka danbeeyo Soomaaliya u furmi doonto inay deyn ka qaadan karto sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa guud ahaan gaareyso 4,7 bilyan oo dollar. Waxayna Soomaaliya dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dadaal xooggan ugu jirtay in loo sameeyo deyn cafin, si ay ugu furmaan suuqyada maaliyeed ee caalamka, una hesho maalgalin iyo dib usoo kabasho dhaqaale. Soomaaliya ayaa hada kasoo gudubtay sadex kamid ah afartii imtixaan ee shuruuda looga dhigay, si deynta lagu leeyahay looga cafiyo.

Sadex meelood meel kamid ah(1/3) deynta Soomaaliya lagu leeyahay, ayaa waxaa iska leh hey´addaha maaliyadeed ee aduunka, gaar ahaan Bankiyada horumarinta dalalka, hey´adda lacagta (IMF) iyo Bankiga Aduunka. Si Soomaaliya ay ugu suurtagasho barnaamijka deyn cafinta, waxaa waajib ahayd in marka hore la bixiyo lacagaha deymaha ah ee Soomaaliya ay ku leeyihiin hey´addahaas.

Norway ayaa maanta sheegtay inay Soomaaliya ku caawineyso bixinta deynta looga leeyahay Sanduuqa horumarinta ee Bankiga Aduunka, sidoo kale waxey Norway sheegtay in dowlada UK ayaa ayadna dhankeeda bixin doonta deynta Soomaaliya looga leeyahay Bankiga horumarinta Afrika. Waxaana dhiman oo kali ah wadan sadexaad oo bixiya ama damaanaq qaada deynta Soomaaliya looga leeyahay hey´adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiirka deeqaha iyo horumarinta Dag-Inge Ulstein Norway, ayaa maanta sheegtay in hadii sadexdaas deynmood meel la saaro, ay Soomaaliya toos u gudbeyso wareega ugu danbeeya ee kama dambeysta ah ee barnaamijka deynta cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay HIPC (Highly Indebted Poor Countries Initiative).

Wasaarada arrimaha dibadda Norway ayaa sidoo kale sheegtay in bilowga sanadka danbe ee 2020 magaalada Paris lagu qaban doonto shirka go´aan ka gaarista barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya. Waxeyna Norway rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya laga cafin doonto deynta lagu leeyahay, hadii ay kasoo baxdo shuruudaha dhiman ee ku xiran heshiiska qorshaha deyn cafinta ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo IMF.

Wasiirka deeqaha Norway Dag-Inge Ulstein ayaa dhanka kale sheegay in Norway ay Soomaaliya ka cafin doonto 16 milyan Dollar oo ay horey ugu laheyd, marka bilowga Sanadka danbe la isugu yimaaddo kulan ka dhici doono Magaalada Paris.

Deyntan ayaa Soomaaliya u sahli doonto in dib loogu furo Akoonkii (xisaabtii) ay ku lahayd Sanduuqa horumarinta Bankiga Adduunka, looguna oggolaado soo qaadashada deyn cusub oo maalgalin la xiriirta.

Dowladda Norway ayaa kamid ah Waddamada Soomaaliya siiya deeqaha ugu badan, waxayna Sanadkii lasoo dhaafay ku caawisay 62 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

In ka badan 50 Khawaarij ah oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Galgaduud

Masagawaa (SONNA): Hawlgal qorshaysan oo ay galabta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanada…

GudahaWararka
July 15, 2024

Madaxweyne Farmaajo furay kalfadhiga 7-aad labada  aqal ee Baarlamanka ayaa sheegay doorashada in ay ku dhicidoonto xili la qorsheeyay

Muqdisho.(SONNA)-Madaxweynaha Dowladda faderalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa  goordhaw furay kalfadhiga 7-aad labada  aqal ee Baarlamaanka Jmuuriyaddda Faderaalka Soomaaliya.…

Wararka
June 6, 2020

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka oo magacaabay xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka IGAD

MUQDISHO-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si wadajir ah…

GudahaWararka
July 23, 2023

Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo celisay muwaaddiniin ku xannibnaa dalka Liibiya

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 99 muwaaddiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muddo ku jiray xabsiyo…

GudahaWararka
October 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023