Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Duur-joogta Dalka oo sii dabargo’aya (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Duur-joogta Dalka oo sii dabargo’aya (Warbixin)
WararkaWargayska

Duur-joogta Dalka oo sii dabargo’aya (Warbixin)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 4, 2020
3 Min Read
Share

Qaar ka mid ah Waxgaradka Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ka hadlay noocyada duur joogta Gobolka Bakool laga heli jirey, sida qaar kood u dabar go’een iyo ahmiyaha ay leedahay in la ilaaliyo Duur joogta.

Duur-joogta dabar go’aday waxa ka mid ah Goronyada, Maroodiga, Geriga, Baciidka iyo Goodirka, waxyaabaha  sababa in ay deegaanka ka suulaan ayaa lagu sheegay abaaro is daba joog ah oo soo noq noqday iyo bilaa macni daro loo laayo, maadaama cid sigaar ah u xanaanysa aysan jirin muddadii 30-ka sano a ee la soo dhaafay.

In kastoo ay jiraan kuwo fara ku tiris ah oo wali haraadi ku ah ayaa kuwa u adkeystay ugaarsiga iyo dhibaatada kale ee soo wajahday oo weli deegaanada laga helo waxa ka mid ah Deerada, Sagaarada, Diinka, Bakeylaha, Haramacadka, Dawacda, Dabagaalaha, Dhurwaayga, Daanyeerta iyo kuwo kale.

Maxamed Xasan Aadan oo ku magac dheer (Macalin Shig shigow) waxa uu ka mid yahay Waxgaradka Magaalada Xudur, waxaana wax ka weydiinay abaarihii iyo dagaaladii sokeeyey ee dalka soo marey sida ay u saameeyeen duur joogtii deegaanadaan caanka ku aheyd.

Macallin Shig shigow ayaa intaasi ku darey in bulshada ay ka tashadaan sidii loo badbaadin lahaa Xaywaanada duur joogta ah oo cid kale looga sugin in ay u doodo xuquuqda xaywaanada, wuxuna sheegey in uu aaminsan yahay in haddii ugaarsiga ka ganacsiga iyo barakicinta laga daayo ay dib deegaanka ugu soo laabanayaan.

Dhinaca kale Cabdi Aamiin Isaak oo isna ka mid ah waxgaradka Degmada Xudur ayaa qaba in maleeshiyada argagaxisada alshabaab ay sabab u yihiin dabar go’a Xaywaanada duur joogta ah maadaama ay qaarna cunaan qaarna ay kabarakiciyeen dhulkii howdka ahaa oo ay ku noolaayeen, iyagoo ka carara meelaha ay colaaddu iyo abaartu ka jirto.

Sida la ogyahay Alshaab waxay hoy ka dhigteen oo hadda ku dhuumaaleysanayaan dhuulkii lama degaanka ahaa oo xayawaanada duur joogta ah ku dhaqmi jireen.

Cabdi Amiin isak ayaa sheegey in Xayawaanada la barakiciyey ay gudaha u galeen dowladaha deriska nala ah sida Itoobiya iyo Kenya, wuxuuna bulshada ugu baaqey in ay ka waan toobaan ugaarsiga iyo xaalufiinta duur joogta.

W.D: M.Gooni iyo Habeyntii C/Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah,…

GudahaWararka
December 6, 2025

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda XFS “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo…

GudahaWararka
December 23, 2021

Wasiirka Maaliyadda XFS Dalka Morocco kulama gaar ah kula qaatay Masuuliyiin dowladeed iyo Hey’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda

Muqdisho:-(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdiga uu hoggaaminayo  oo ku sugan Magaalada Marrakish ee dalka…

GudahaWararka
October 15, 2023

Muqdisho oo lagu qabtay munaasabadda habeenka Qurba Joogta

Muqdisho (SONNA):- Kulanka Habeenka Qurbe joogta Soomaaliyeed oo ay ka soo qeyb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda, Xildhibaano,…

GudahaWararka
March 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023