Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 11, 2025
7 Min Read
Share

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay Hub, Saanad Ciidan oo kala duwan, Horjooge iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa qabashada Bariire kadib kormeer shaqo ku tagay halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Khawaarijta, kuna dhigeen casharro lama ilaawaan ah, intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa tegay gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaliyeed Khalid Sheikh Cabdullahi Cumar ayaa bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka

“Waxaan booqday maanta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo shalay lagu nadiifiyay howlgalka qorsheysan ee guusha leh ee ‘Duufaanta Aamusan’. Guushan waxay timid kaddib markii geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya ciidamada UPDF ee qeybta ka ah AUSOM ay jebiyeen difaacyadii cadowga, lagana furtay hub badan, gacantana lagu dhigay maxaabiis, isla markaana loo geystay khasaare nafeed culus”.

Taliyaha ayaa Bartiisa Baraha Bulshada ku qoray, “Cadowgu waxa uu hore u jaray buundada deegaanka, taas oo muhiim u aheyd isku socodka bulshada, gaar ahaan Beeraleyda, si uu ugu go’doomiyo nolol maalmeedkooda. Maanta, shacabka Bariire waxay dib u heleen xorriyaddooda iyo neecowda dowladnimada, iyadoo ciidanka Qaranku ay xaqiijiyeen in amniga iyo kala dambeyntu dib ugu soo laabato deegaanka, islamarkaana ay ka socdaan howlaha nadiifinta cadowga”.

Isagoo ka hadlaayay kormeerkiisa, “Intii aan ku guda jiray kormeerka, waxaan dhiirrigelin iyo bogaadin u jeediyay geesiyada ciidanka & saaxiibadeen UPDF ee ku sugan jiidda hore, kuwaas oo u taagan difaaca Shacabka. Bariire maanta waa calaamad muujinaysa go’aanka iyo awoodda dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan sifaynta iyo nadiifinta dhulka Soomaaliyeed meel kasta oo cadowgu ku dhuumanayo. Howlgalka ‘Duufaanta Aamusan’ wuu soconayaa ilaa laga xaqiijiyo amniga, midnimada iyo karaamada Qaranka”.

Sawirka kor ka muuqda waa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka  Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska GorGor, Gaashaanle Cali Cageey oo kor u haaya Gumac ka mid ah hubka laga furtay dhowr maalin ka hor Argagaxisada Al-Shabaab dagaalkii cuslaa ee Bariire, midkaasoo in ka badan 120 maleeshiyaadkooda ah lagu dilay.

Gumaca ay taliyayasha gacanta ku haayaan waxaa uu u eg yahay nooca la dhahaa (Al Yaasiin ), wuxuuna ku rakibmaa qoriga RPG-7 ee Soomaalida u taqaan ‘SABANKA’, kaasoo garabka laga tuuro. Gumacaan loo bixiyay ‘Al Yaasiin’ waa garneyl ay farsamadiisu aad u sareyso.

Gumaca Al-Yaasiin ayaa awood u leh inuu duleeliyo Taangiyada iyo Gawaarida Gaashaaman, islamarkaana burburiyo, iyadoo dagaalka Gaza lagu arkay awoodiisa, waxaana  la sheegaa in laba marxaladood uu qarxo, iyadoo gumaca Afka hore uu shaqada u fududeeyo midka labaad oo qaraxa xooggan wata.

Inkastoo Khubarada Soomaaliyeed ee Hubka aysan wax tafaasiil ah ka bixin Gumacaan, balse waxaa loo maleynayaa inuu yahay ‘  Al-Yaasiin’. “Dowlada federaalka Soomaaliya waa inay arrintaasi ku baraarugtaa oo qorshaha lagu darsadaa”, sida uu qabo Falanqeeye arrimaha Amniga ah.

Dhinaca kale Wasiirka gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan qabtay shir jaraa’id ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal socday muddo toddobaad ah oo Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna xaqiijiyey howlgalkan intii uu socday in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwa noolna gacanta lagu dhigay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey ciidanka xoogga iyo taageerada Saaxiibada Caalamku la garab joogaan Dowladda Soomaaliya” ciidankeenna waad guulaysateen, waxaad kor u qaadeen niyadda shacabka Soomaaliyeed, waxaa weeye dagaalku wuu soconayaa ilaa dhamaan dhulka Soomaaliya laga nadiifinayo kooxaha Khawaarijta”ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ciidanka xoogga ayaa gacanta ku dhigay dhamaan goobihii Khawaarijtu ku dhuumanaysay waxayna Ciidanku hadda wadaan hawlgalo lagu ururinayo Maydadkii iyo hubkii ay ka carareen khawaarijta.

Weriye ka tirsan Warhaabinta Dowladda Zakariye Qaasim Bagax, oo ku sugan Bariire, ayaa la kulmay labo ka mid ah khawaarijta oo lagu qabtay howlgalka guuleystay ee Bariire.

Maxbuuska koowaad, oo ah mid ka mid ah horjoogayaasha arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa silsilad ku xiray geed weyn salkiisa, iyagoo ku talagalay in uu dagaallamo ilaa uu ka dhinto, hase yeeshee, ciidanka Qaranka ayaa nolosha ku qabtay.

Bariire waxaa loogu tegay wax yaab leh, dhagarqabahaan waxaa Geedka loogu xiray inuu aad u dagaalamo oo uusan cararin, markii rasaastu ka dhamaatay, isaguna uu dhima waayey ayaa nolosha lagu qabtay, waxaanana sida ka muuqata sawirka. Bal eeg arxan darrada Khawaarijta, Wiilkaan yarka ah ee aan 15 sano gaarin ayay silsilad iyo qunful kula xireen geed si uu ugu dagaalamo ilaa uu ka dhinto

“kan labaad ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah, waxaana hadalladiisa laga fahmay inuu yahay horjooge dhagar badan, wuxuuna sheegay in maleeshiyaadkii uu watay, oo dagaalka lagu laayay, uu gurmad ahaan uga keenay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe”sida uu sheegay.

Deegaanka Bariire waa magaalo-beereed istiraatiiji ah oo 73 kiiloomitir (45 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, waxay kaloo ku fiican tahay dhaqashada Xoolaha, gaar ahaan Lo’da.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warmurtiyeed: -Ka soo baxay Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada

Muqdisho,(SONNA):-Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobey Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee…

GudahaWararka
June 16, 2023

Madaxda Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay sanadguuradii 10-aad ee dib u howlgalinta cisbitaalka Erdogan (Ex Digfeer)   

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo xubno kale oo ka socday maamulka cisbitaalka…

Gudaha
October 20, 2023

Wasaaradda ganacsiga oo soo bandhigtay hindise sharciyeedka tartanka xorta ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa Wasaaradda, waxaana uu…

GanacsigaGudahaWararka
March 25, 2023

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaariisay Aadan-Yabaal

Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, ayaa maanta 11 gaadiid ah oo sida shixnado kala duwan oo gargaar ah…

GudahaWararka
March 3, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023