Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: NISA oo mar walba la socota xeelad kasta oo ay Khawaarijtu isticmaasho (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > NISA oo mar walba la socota xeelad kasta oo ay Khawaarijtu isticmaasho (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

NISA oo mar walba la socota xeelad kasta oo ay Khawaarijtu isticmaasho (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 18, 2024
6 Min Read
Share

Waxaa jira digniino ku aadan xalista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan yahay in laga digtoonaado, iyadoo feejignaan dheeri ah loo yeelanayo meelaha ay yaaliin baraha hubinta Degmooyinka Dalka, si aysan Kooxdu isgu gudbin waxyaabaha ay ku dhibaateeyaan Dadweynaha, marka waxaa loo baahan yahay in Dowladda Soomaaliueed inay fiiro gaara u yeelataa Furdoonka iyo marsooyinka Dalkeena, si gaar ah meelaha Khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab, waxaa suurogal ah inay Isticmaalaan oo ay saanad kala degaan Furdooyinkaasi.

Qatar weyn ayaa ka jiri karta hadday Xeebaha maamulka Galmudug ay khawaarijtu Isticmaalaan ama ay suurogal tahay inay saanad kala degaan, sida la xasuusto dhowr mar ayay isku dayeen inay kala soo degaan Dekedaha Macmalka ah ee ku teedsan inta u dhaxeysa magaalooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere, ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa gacanta ku dhigay waxyaabaha laga sameeyo Qaraxyada, Saanad ciidan iyo Shidaal, oo ay damacsanayaan inay halkaasi ka soo degsdaan, waxaana halkaasi lagu laayay Kooxda Khawaarijta, iyadoo qaar kalena gacanta lagu dhigay iyaga oo nool.

Sidoo kale Baralaha Gaadiidka lagu baaro ee koontaroolada maamulka Galmudug ciidanka joogaa waa inay ku baraarugsanaadaan khatarta kooxda Khawaarijta, waana in lala xisaabtamaa dadka ka shaqeeya Furdoonyinka iyo Koonrotoolada ama Baraha hubinta.

Ilo Wareedyo laga helay Gobolka Mudug ayaa sheegya in Ciidamada Booliska gobalka Mudug ay gacanta ku dhigeen Gaarigaan oo noociisu yahay Toyota Land Cruiser Soomaaliduna u taqaan LEYLA CALAAWI  oo Khawaarijta u waday Daawooyin Maandoriyeyaal ah, kuwaasi oo nuucyadooda ay kala duwan yihii, waa yaabe maxay u isticmaalaan Maandoorayaashaasi kooxda Argagixisaha ah ee Alshabaab?, waxaa kaloo la xasuustaan in Gobolka Mudug Baro Koontarool oo ka mid ah lagu qabtay Gawaari Xamuul ah oo waaweyn qaarkoodna ay Isjiidyo yihin, kuwaasi Kooxda Khawaarijta ah u siday Shidaal iyo Buskutka Caruurta oo ay Soomaalidu u taqaan BUSKUT DHIIQA.

Dhinaca kale Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku raad-joogta xogta horjooge Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaanno Xasan Afgooye, kaas oo Khawaarijta u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha, waxaana NISA ay ka digeysaa la macaamilka horjooge kasta oo xayiraad la saaray.

Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonk Qaranka oo la socota Aalad walba oo uu xiriiradiisa u isticmaalo waxa ay ka digeysaa la macaamilkiisa guud iyo ka ag dhawaashihiisa guud meelaha uu ku sugan yahay,maadaama uu Horjoogahaan ay Dowladda Federaalku Soomaaliyeed saartay Xanibaad dhan kasta ah.

Warkaan oo ay saartay Heyadda NISA ayaa waxaa kaloo uu sheegayaa in Muwaadin  haddii aad heyso xog ku saabsan Horjooge Xasan Afgooye la wadaag Heyadaha Amaanka, waxayna xustay Heyadda NISA in ‘Muwaadin haddii ay guuleysato Xogtaada, waxaad heli doontaa abaalmarin maqaamkeedu sarreeyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in lacagta la siiyo Argagixisada ay khatar ku tahay, Diinta, Amniga, Bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlayey shirweynaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha ka hortagga iyo la dagaallanka Maalgelinta Argagixisada, ayaa hoosta ka xarriiqay ‘in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxaha Khawaarijta ah, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo.

“ Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi laheyn, Khawaarijta waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga“. Mudane Xamsa, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero ciribtirka Khawaarijta iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in cadowga ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guuleystay in uu burburiyo Shabakado Maaliyadeed oo ay kooxaha Argagixisadu ku dhici jireen hantida shacab weynaha Soomaaliyeed, wuxuuna Xafiisku xaqiijiyay in ka badan Hal Milyan oo doollar oo laga helay Koontooyin Maaliyadeed oo ay adeegsan jireen Argagixisadu in si sharci ah loogu wareejiyay Dowladda Soomaaliyeed, kadib markii Maxkamaddu soo saartay xukun kama dambeys ah, islaarkaana waxa uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud xayiray, baaritaana ku wada koontooyin kale oo lacag Malaayiin doollar ah ku kaydsan tahay, kuwaasi oo looga shakisan yahay in Argagixisadu u adeegsan jireen uruurinta dhaqaalaha ay Shacabka ku waxyeeleeyaan.

Warkaasi ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ayaa lagu sheegay in Koontooyinkan ay marka baaristoodu soo dhammaato, natiijada waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda, islamarkaana waxa Xafliska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu bogaadinayaa shacabka Soomaaliyeed doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ah, waxa uuna ugu dambayntii, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku uu farayaa Ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha maaliyadeed ee ka howlgala dalka in ay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda ka hortagga lacag-dhaqista iyo maalgelinta Argagixisada iyo dhammaan xeerarka kale ee dalka.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirka wasiirada maaliyadda Geeska Afrika

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga…

GudahaWararka
January 28, 2026

Shaqsi Soomaali ah  oo ka mid noqday Baarlamaanka gobolka Nova Scotia ee Canada

Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee  Soomaali ah oo ka mid…

Gudaha
August 20, 2021

Madaxweynaha Somaliland oo si rasmi ah Xariga uga Jaray Mashruuca Balaarinta Dekedda Berbera “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah Xariga uga Jaray Mashruuca Balaarinta Dekedda Berbera…

GudahaWararka
June 24, 2021

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah

Wasiirrada Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhigiisa Turkiga Yasar Guler  ayaa maalinimadii shalay Magaalada Ancara ku  kala saxiixday heshiis…

Gudaha
February 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023