Muqdisho (SONNA): Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku raad-joogta xogta horjooge Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaanno Xasan Afgooye, kaas oo Khawaarijta u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha, waxaana NISA ay ka digeysaa la macaamilka horjooge kasta oo xayiraad la saaray.