Muqdisho.(SONNA):- Howlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.
Habeenimadii Khamiista oo taariikhduna ahayd 20-ka Bisha ayaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee howlgalkan lagu beegsaday waxa ay isku abaabulayeen dhul hawd ah, Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaana iyaga oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.
Marka laga yimaado maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee la laayay waxaa kale oo jira maleeshiyaad kale oo baxsad ah kuwaasi oo lagu daba jiro.
Howlgalka aan dalkeena iyo dadkeena uga xorreynayno Khawaarijta ma joogsan doono ilaa iyo inta taako ka mid ah dhulkeena ay joogaan Khawaarijta, waxaana u mahadcelinaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ee nagu garab taagan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.