Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Naftii hure, Abaal gud muxuu u leeyahay?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Naftii hure, Abaal gud muxuu u leeyahay?
GudahaMaqaallada

Naftii hure, Abaal gud muxuu u leeyahay?

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 18, 2023
6 Min Read
Share

Hibaad Cali Dasar waa Shahiid iska diiday inuu ku dul noolaado heeryada kooxda Maafiyada khawaariijta ah, islamarkaana iba furay in Argagixisada Khawaarijta ah lala dagaallami karo, welibana laga adkaan karo, waxuu ahaana Shahiid si fudud uga saaray Khawaarijta deegaankii uu ku noolaa, balse ku soo gadaal noqdeen markii uu waayay garab dowladeed iyo mid deegaameed intaba.

Taliyihii aas-aasay Macaawisleyda Soomaalida ayuu ahaa, bixiyayne magaca hadda loo yaqaan Ciidamada Deegaanka ee (Macaawisleyda), islamarkaana rumeeyay ama iftiimiyay in beeluhu ay la dagaallami karaan Khawaarijta ku soo duushay, wuxuuna geeriyooday sanadkii 2018-kii, isaga oo deegaankiisa cadawga ka difaacaya.  Naxariistii janno Alle ha ugu bishaareeyo.

Wey dhacdaa in Qof uu Naftiisa u huro, badbaadinta, Dalkiisa, Koox ama Qof kale oo uu xushmo u hayo, sida Hogaamiye, Waalid, Macallinkiisa, Saaxiibtii/Saaxiibkii  ama Qof kale oo uu jecel yahay.

Waxaase is weeydiin mudan, Ciddii uu naftiisa u huray fal celinta laga fili karayo iyo sida ay u gudato waajibka saaran.

Soomaaliya siyaaba kala duwan ayay u dhacdaa Naf huriddu.

  1. Dagaalkii 77 Ciidamo ayaa isku xiray Bambooyin si ay u jabiyaan Dhufeeysyadii Godeey.
  2. Naf hurid, Waxaa ugu Dambeeyay Marxuum, Axmed Cabdulqaadir Sh. Maxamud iyo Maxamed Cumar Xirsi oo Dagaaladii ugu damberyay ee Galmug si Geesinimo leh, Naftooda ugu huray si ay u badbaadiyaan Madaxdooda iyo Waalidiintood.
  3. Waxaa kale oo Xusid Mudun, Dagaalkii lagu soo qaaday Hotel Maa’idda halkaa oo ay ku sugnaayeen Laba Madaxweyne oo la rabay in la dilo, ayaa labo Gaadiidka qafilan ee Beebehu waxa ay ka soo weerareen Labadda dhinac ee Ex-Baarlamaan, mid dhinaca waqooyi ee xiga Ex- Isbitaal Rabo iyo ex- Koogaar Restaurant. Midna dhinaca koofure ee xiga ex- Dukaanka Zulfiqaar Cali. Labaduba waxa ay ridayeen Rasaas Dalooliso ah si Gaadiidka technikada ah ee ka soo horjeedo ay Matoorka uga gubaan kadibna ay toos u tagaan Hoteelka, Rasaastii lagu ridayay Beebahu wey kari weeyday.

Dhinaca waqooye ee Beebayaasha, waxaa Gaarigii Technikada ahaa ee uu watay ula dhaqaaqay Marxuum, Cali Jubba, Beebihii ayaa u qaatay in uu isku qarxinayo dib ayuuna u cararay, Cali Juba kama istaagin ee  toos ayuu ugu dhuftay. Beebihiihii oo dhaawac ah ayaa u cararay dhinaca Taaladda Dal jirka dahsoon, waxaana Halkaa ku geeriyooday Marxuum Cali Juba oo Baabuurkiisii toos ugu dhuftay Beebihii.

Dhinaca Koofure waxaa isna Baabuurkiisii Technikada ahaa la dhaqaaqay  Xuseen Maxamed Rage oo lagu Naaneyso “Shiino Asgari” . Sidii oo kale Beebihii ayuu ku dhuftay Gaarigiisii, Beebihiina waxa uu u cararay dhinaca Ex- Baarlamaan,waxa uuna ku cararay Wadada aado Bangiga dhexe. Baabuurkii Shiino Asgari waa burburay, Isagiina dhulka ayuu ku dhacay, Meyd ahaan ayaa looga tagay. Mar dambe ayaa la arkay in uu Nuuxnuuxsanayo oo uu nool yahay, waxaa loola cararay Isbitaalka, muddo kadib ayuuna ka soo kabtay Jajabkii iyo dhaawacii, Hadda waa nool yahay welina waxa uu ka tirsan yahay Ciidanka Qaranka.

  1. Bishii July ee Sanadkaan 2023-ka, iyada oo Ciidamo lagu tababarayo Xerada Jaalle Siyaad ayaa waxaa mar kaliya la dareemay Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxo, Qof ayaa ku qeyliyay war Ninka qarax ayaa ku xiran. Isla markii Marxuum Axmed Maxamed Macallin Maxmuud oo loo yaqiin “Cag madhige” ayaa isku duubay Ninkii, si uu uga badbaadiyo Saaxiibadii, isla Goobtii ayuuna ku geeriyooday Marxuum Cag madhige.

Ma ahan intaasi Qof oo kaliya ee Dad badan oo xata ay ku jiraan, kuwii ay iska soo hor jeedeen ayaa Naftooda ku waayay ama Halis u galiyay si ay ugu dhintaan aragti ay aaminsan yihiin iyo Badbaadinta Dad agtooda ixtiraam ku leh.

5. “Inkasta oo aan gabar ahay.. Hubkaan guudka saarayaa

Rasaastaan gardaadsanayaa..Guul sida ragaygaan

Goobaha dagaal..Garab joogsanayaa”.

Fadumo Maxamud Ibraahim waxay aheyd Hooyo seddax Caruur ah leh, waxay iyada iyo Xabiibo Maxamed Odowaa la Shahiideen Walaalahoodii raga ahaa ee ku dhintay dagaalkii adkaa ee furinta Bur-ujeed dhowr maalin ka hor ku dhexmaray cadawga khawaarijta Al-Shabaab iyo ciidanka Deegaanka. Faadumo iyo geesiyada kale waxay doorbideen in ay qeyb ka noqdaan xilli taariikheedka ku qormaya xusuusta Qaran ee ay Soomaali iskaga xorayneyso Argagexisada kooxda Shabaab.

Wiilasha iyo Hablaha ku Shahiiday dagaalka waxay daafacayeen diinta, nafta, sharafta, iyo hantida dalkooda, dadkooda iyo deegaankooda intaba, waana ujeedooyinkii ugu waawaynaa ee ay diinta u soo degtay, waxayna u dirireen Janno Aakhiro iyo Jiritaan Xornimo.

Ugu dambeyntii Alle Shahaadada haka aqbalo Faadumo iyo geesiyadii kale ee furinta Bur-ujeed ku shahiiday, iyo kuwii hortood furumaha dagaalka ee kala duwan ku Shahiiday,  Allahana u booga-dhayo inta dhaawaca ah. Aamiin

Haddaba Su’aashu waxa ay tahay, Dadkaasi Doorkoodii waa guteen, ee Qofkii ama Bulshadii ay dartood Naftooda u hureen, maxay ku xasuustaan, Dalacaad Geeridooda kadib, u duceyn, Daryeel Caruurtooda, in Taariikhdooda  Dugsiyada lagu baro Jiilka dambe in lagu magacaabo Goobo lagu xasuusto?.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray jiidaha dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Aadan-yabaal-(SONNA)-Taliyaha ciidanka dhulka XDS Ganeraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa si loo sii amba qaado howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta maanta…

GudahaWararka
February 27, 2025

Dardargelinta adeegyada garsoorka ee dalka oo laga hadlay

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Mudane, Baashe Yuusuf Axmed ayaa la shiray Guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Banaadir,…

GudahaWararka
March 8, 2023

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha…

GudahaWararka
April 21, 2025

Xaaladihii ugu dambeeyay ee daadadka ku dhuftay Jubbaland

Kismaayo-(SONNA)-Dadka ku nool degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada hoose ayaa saaka ku waabariistay xaalad middii hore ka adag, iyadoo biyahu…

GudahaWararka
November 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023