Ciidamada ilaalada gaarka ah taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa toogasho ku dilay dhagar qabe isku dayay in uu isku qarxiyo colanyada ilaalada taliyaha,sida uu SONNA u sheegay taliyaha ciidanka Xoogga dalka.
Qofka isqarxiyay ayaa waday gaari noociisu yahay Saaruf, kaas oo doonayay in uu soo dhexgalo kolanyada Ilaalada u ah taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somalia Gen Odaywaa Yusuf Raage, balse markuu diiday in uu ka istaago digniin ay siiyeen ciidamada ayaa rasaas lagu furay kadibna uu isqarxiyay, xilli ay marayeen meel u dhaw Cisbitaalka Xoogga oo kuyaala degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Labo kamid ah ilaalada taliyaha ayaa dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaasi,kuwaasi oo loo qaaday xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo aan la hadalnay qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in ciidamada ilaaladiisa ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan falkaasi qaraxa ahaa oo naftii haligahaasi uu waday.