Suudaan(SONNA). Waxaa maanta Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ka soo ambabaxay 112 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muda ku xanibnaa dalkan Suudan sababa la xiriira Xanuun-ka saf-mareenka ah ee covid-19, waxaana dadaal dheer ay Galisay safaradda Soomaaliya ee Suudaan.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Suudaan Amb Maxamed Sheekh Isxaaq oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in ay soo sagootiyeen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo arday ay ku jiraan,kuwaasi oo ku xayirnaa in muddo ah Suudaan.
Mas’uuliyiinta DFS iyo Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa ka qeyb qaatay dadaalada dadkkaasi Soomaaliyeed dib loogu soo celinayo.
Waxaa lafilayaa in dhawaan ay dalka soo gaarto diyaaradda sidda dadkaasi.
Tan iyo markii cudurka Covid-19 uu dunida saameeyay,waxaa kala xayirnaa muwaadiniin badan,kadib markii la hakiyay duulimaadyadii,dowladda Soomaaliya ayaana ku guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniin badan.