Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 5-aad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 5-aad
MaqaalladaWararka

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 5-aad

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 26, 2023
7 Min Read
Share

Dawladdu waxa ay cagta ku haysaa waddada ay ku xaqiijinayso Ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Dayn-cafinta,3 qaadista cunaqabataynta Hubka,4-Dagaalka Musuqa,5-geediga-Dimuquraadiyadda, sidaasi awgeed ayaan si hufan u wadnaa qoraallo iyo warbixinno Taxana ah ee la xariira ama iftiiminaaya Musuqmaasuqa ay Dowladdu ku dhawaaqday inay dagaal adag la galeyso.

Ilaalinta hantida Dadweynaha iyo la-dagaallanka Musuqu waa masโ€™uuliyad weyn oo loo baahan yahay in si adag la isaga xil saaro ka miro dhalinteeda. Sida Muuqata dagaalka ka dhanka ah Musuq maasuqa Dowladda waa ka goโ€™an yahay,iyadoo ay socdaan dhageysiga Dacwado ku socda Eedeysanayal qaarkood, waxaana jira Heyโ€™ado kale oo baaritaano ay ku socdaan, kuwaasi oo mar dhow la soo bandhigi doono, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana jirta in ku dhowaad 10 Heyโ€™adood oo kale oo ka tirsan dowladda oo loo heysto lunsasho hanti Ummadeed, iyadoo dagaalka Musuq maasuqa uu suurta galin kara in masuuliyiin hadda xilal ka haaya dowladda ay xilalkooda ku waayaan isla markaana sharciga la horgeeyo.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS, kuwaaasi oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed, iyadoo Masโ€™uuliyiinta Maxkamadeyntooda maanta ay billaabatay ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS, Cabdullaahi Maxamed Cali Suldaan iyo Agaasimahii ka horreeeyay Xafiiska Maxamed Cadde Muqtaar.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horey ugu fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhaxe,oo loo heysto Musuq maasuq, kuwaasi oo ka howlgalayay xarumaha wasaaradda maaliyada iyo Bankiga dhexe ay ku leeyhiin Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,kuwaa oo lagu soo eedeeyay falal la xariira xatooyo xoolo dadweyne.

Edeysanayasha ayaa kala ahaa Abuukar Maxamed Cali maamulihii xafiiska Canshuuraha Bariga wasaaradda maaliyadda ee garoonka Aadan Cadde,Abduqaadir Cabdi Socdaal Abtidoon qasni ka Tirsan Banki Dhaxe qeybta Dakhliga ajaanibta ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulahii Bankiga Dhaxe laanta garoonka Aadan Cadde,kuwaa oo dhammaan xeer ilaalintu ku soo eedeysay xatooyo xoolo dadweyne.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maalintii khamiista aheyn dhageysatay dacwad kale oo loo heystoย  Afar Sargaal oo ka tirsan Heyโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku Eedaysan Musuq maasuq lala xariirinaayo Xatooyo Dadweyne, Lunsasho hanta Qaran, lacag dhaqis iyo kuwo kale, iyadooย Afartaasi Eedaysane ee la horgeeyay Maxkamada gobolka Banaadir ayaa lagu kala magacaabaa,Cabdulaahi Maxamuud Cosoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur iyo Aadan Maxamed Cabdi oo dhamaantood loo heysto xatooyo xoolo dadweyne oo lagu soo Eedeyayย Saraakiisha intii ay ka mid ahaayeen howlwadeenadda heyโ€™adda ย Socdaalka iyo Jinisayada ย Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in marnaba usan aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida Ummadda ee ay dowladda masโ€™uulka ka tahay.

Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa horey u sheegay in khasnada dowladda laga waayay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay (08 March 2018) ilaa (19 April 2023),ย โ€œBaarista Fatashka ah ee Xafiiska Hanti dhawrku ku sameeyay heyโ€™adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wada shaqeyneed la leh heyโ€™daha dowladda ee Baaristu khuseysoโ€, ayuu yiri Hanti dhowraha Dowladda.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan ayaa isna isagoo Warbaahinta la hadlaayay yiri โ€œSharciga lagama dhuuman karo qofkii hanti uu ka sameeyay musuq-maasuq, dalka gudahiisa ama dibad geysto waa laga daba tagayaaโ€.

Wasiirka Cadaalada iyo dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Cali ayaa sheegay in qorshaha la dagaallanka musuqmaasuqa ee dowladdu uu marayo meel wanaagsan, isagoo xusay in guddiga la dagaallanka musuqa uu yahay mid dastuuri ah, dhismahiisuna uu haatan socdo, lana hor geyn doono golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, si loo meel mariyo, isagoo intaasi raaciyay in ay sii wadi doonaan howlaha horyaalla ee lagama maarmaanka u ah la dagaallanka musuqmaasuqa shuruucdiisa kalena ay dhamaystiri doonaan.

Dhinaca Culumaaโ€™udiinka Soomaaliyeed maxay ka yiraahdeen Musuqmaasuqa?, Sheekh Maxamed Dirir oo ka mid ah Culumaaโ€™udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Diinta Islaamka ay qof kasta oo muslim ah farayso Ilaalinta amaanada, wuxuuna musuqu ku tilmaamay mid xaaraam ah oo uu Alle fogeeyay, isagoo dowladda ku ammaanay tallaabada ay u qaadday la dagaallanka musuq maasuqa.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iimaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka warbixin ka siiyay sharciga Hanti Dhowraha Guud oo horyaal Golaha Shacabka BJFS, isagoo sheegay in sharciga Hanti dhowraha Guud uu wax badan ka baddeli doono nidaamka Maaliyadeed iyo kor u qaadid hufnaanta Maaliyadda dalka, waxa uuna xusay in ay muhiim tahay in laga guur Hanti dhowre hoos yimaado xukuumadda, Xildhibaanadaย  ay tahay in ay ansixiyaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale suโ€™aalo ay weydiiyeen Xildhibannada oo ay ka mid tahay saameynta sharcigan uu ku yeelanayo Hanti dhowraha jooga, ayaa sheega in Hinti dhowraha uu ku joogo sharci la sameeyay 1972-kii, inta sharcigaan la meel marinayana dalka isaga uu sharci u yahay, Wasiirka ayaa dhammaan ka jawabay suโ€™alihii Xildhibaanada ay ka weydiiyeen shacriga Hanti dhowraha Guud, kulankaasi Xildhibaanada oo wali socda ayaa waxa ay Akharinta koowaad marsiinayaan shacriga Hanti dhowaraha, iyadoo dooda kadib ay go’aan ka gaari doonaan.

La soco Qeybta 6-aad

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisal wasaare Xamse oo daah-furay tartan Qur’aankaย Kariimka ah

Muqdisho (SONNA): Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daah-furay tartanka Qurโ€™aan Akhriska sanadlaha ah ee…

GudahaWararka
March 10, 2025

Qaramada midoobay oo gurmad baniโ€™aadminimo ka bilowday gobolka Tigreega

Adis-Ababa-(SONNA)-Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay bilawday howlaha gargaar bini aadanimo lagu gaarsiinaayo gobalka colaaduhu ka socdaan Tigreega ee dalka…

CaalamkaGudahaWararka
December 5, 2020

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneral Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneral Daaโ€™uud, halkaas…

GudahaWararka
April 17, 2024

Kulanka golaha shacabka oo looga hadlay hindise sharciyeedyada hantidhorka iyo hubka

Muqdisho (SONNA): Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa maanta shir…

GudahaWararka
July 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023