Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
    Ciidanka Gorgor oo gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo ku socday khawaarijta
    December 19, 2025
    Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta
    December 19, 2025
    Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 4-aad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 4-aad
GudahaMaqaallada

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 4-aad

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 22, 2023
7 Min Read
Share

Dawladda cusub ee uu Maamulkiisa ugu sarreeyo Madaxeynaha iyo Raiisul-wasaarahaba waxaa looga baahan yahay inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuqa,islmarkaana hoos u fiiriyaan dhaq-dhaqaaqa howlaha Xafiisyada Dawladda, haddii aan taas la helin waxay la kulmeysaa naceybka shacbiga oo ay horey u daashadeen musuq-maasuq iyo wax is daba-marin badan, iyadoo Dadweynaha Soomaaliyeed ay si weyn Indhaha ugu hayaan Maamulka cusub oo lagu naaaneeso Dawladda isbedelka.

Haddaan ka eegno dhanka Garsoorka iyo Cadaaladda waxay shacbigu ku leeyihiin ma dacwoon karo Qof Jeeb maran, adigoo arkaayana Xoolahaagii ayaa hortaada lagu siinayaa cid kale oo u soo dhaqaale urursaday xaqa masaakiinta danta yar, Dawladduna looga fadhiyo inay u hiiliso Dadka dan yarta ah, waayo Ummad la maamulo waxaa garsoor u ah cadaalad, haddi la waayana waxaa xumaanaya kalsoonida shacabka, horaa waxaa loo yiri Cadaaladda ayaa na wada deeqda.

Dhanka Wasaaradaha haddii aynu ka eegno waxaa lagu tilmaama inay ka mid yihiin meelaha musuq-maasuqu daashaday, waxaadna arkeysaa in shaqaale muddo fog u shaqeynayay Wasaaraddaasi oo khibrad iyo aqoonba u leh howshaasi, haddana aan heyn xuquuqdii uu lahaa, iyadoo la shaqaaleysiiyo qof aan aqoon iyo khibrad u laheyn shaqadaas, waana is dabamarin xuquuqda shaqaalaha, taasina ay ka dhalato hoos u dhaca wax soosaarka Shaqaalaha.

Dhinaca Amniga haddaynu u galno, musuq-maasuqu marka uu galo waxaa hoos u dhacaya ammaanka iyo kala dambeynta, waxaana kordhaya qaraxyada, dilka, dhaca iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya nabadgalyada Dalka, iyadoo arrinta Musuq-maasuqa ay horay uga hadleen Masuuliyiinta ugu sarreysa Dalka iyagoo sheegay in muhiimadda koowaad ay siinayaan la dagaalanka Musuq-maasuqa, waana laga dhur sugayaa inay ka dhabeeyaan arrintaasi, innagoo ogsoon in ay adag tahay in Dal ka soo kabsanaya bur-bur dhinacyo badan leh inuu si dhaqsi ah ula dagaalamo musuq-maasuq iyo wax is daba-marin,

Waxaa kaloo looga baahan yahay Xukuumadda inay la timaado habka iyo nidaamka ay ula dagaalameyso Musuqmaasuqa nooc kasta ee uu leeyahay, islamarkaana ay ku ciribtiri karto, waxaanse jeclaa in aan mar uun aragno qof Maxkamad loo soo taago Musuq-maasuq iyo wax is-daba-marinta, waana aragnay arrintaasi, waxaana dhawaan la soo taagay Eedeysanayaan Maxkamadda loo heysto dambiyo ku saabsan Musuqmasuq iyo wax is-dabamarin sidaasi awgeed waxaa leeyahay Musuq-maasuqu waa dilaaga habka dowladnimo, sidaasi awgeed waxaa loo bahan yahay in arrintaasi xoogga la saaro sidii mar uun loo ciribtir lahaa.

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyay isbeddel togan oo muujiyay in haddii Saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan, islamarkaana maareeyaan ayay dowladdu heli kartaa dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne, islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maalintii khamiista aheyn dhageysatay dacwad loo heystoย  Afar Sargaal oo ka tirsan Heyโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku Eedaysan Musuq maasuq lala xariirinaayo Xatooyo Dadweyne, Lunsasho hanta Qaran, lacag dhaqis iyo kuwo kale, iyadooย Afartaasi Eedaysane ee la horgeeyay Maxkamada gobolka Banaadir ayaa lagu kala magacaabaa,Cabdulaahi Maxamuud Cosoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur iyo Aadan Maxamed Cabdi oo dhamaantood loo heysto xatooyo xoolo dadweyne oo lagu soo Eedeyayย Saraakiisha intii ay ka mid ahaayeen howlwadeenadda heyโ€™adda ย Socdaalka iyo Jinisayada ย Soomaaliya.

Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay in khasnada dowladda laga waayay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay (08 March 2018) ilaa (19 April 2023),ย โ€œBaarista Fatashka ah ee Xafiiska Hanti dhawrku ku sameeyay heyโ€™adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wada shaqeyneed la leh heyโ€™daha dowladda ee Baaristu khuseysoโ€, ayuu yiri Hanti dhowraha Dowladda.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan ayaa isna isagoo Warbaahinta la hadlaayay yiri “Sharciga lagama dhuuman karo qofkii hanti uu ka sameeyay musuq-maasuq, dalka gudahiisa ama dibad geysto waa laga daba tagayaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay uย  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin Dowladdu in la musuq maasuqo hantida Ummadda ee ay dowladda masโ€™uulka ka tahay, wuxuuna intaasi raaciyay in Dowladdiisu ay wax badan ka qaban doonto waxa uu ugu yeeray โ€œtuugโ€ iyo โ€œtuug kalkaalโ€, ee ka dhex jira heyโ€™adaha Dowladda sida uu sheegay.

โ€ Tuug Kalkaal yaan la noqonin, tuugga waa la qabanayaayee ha qarinin,kan shaqada joogo ee xafiiska tuuganimada ka socoto joogow, adigu haddaadan tuug aheyn sheeg, war meeshan nimaa joogee hala fiiriyo dheh, shaqaa laga qabanaa,tuug wuxuu sababayaa inaan daciif ahaano,dhaqaalo yaraanno,inaan iska bixin weyno qarashaadka, ciidan inaan qoran-weyno oo aan ku filnaan weyno,macallimiinta inaan mushaar siin weyno, yacni wax walba oo Dowlad laga rabay,โ€, sidaasi waxaa yiri Madaxweune Xasan Shiikh.

Dadka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu u sheegay in Shabaabka wax qarxiya iyo kan hantida ummadda dhaca uu si isku mid ah ula dagaallami doono,isagoo ka dalbaday in ay garab ku siiyaan Dowladda, โ€ Tuuggu Shabaab kama sokeeyo,ehel ma ahan, qaraabo ma ahan, ninka tuugga lagu tuhmaayi xeerka hortiisa la geynaa sharciga wuxuu qabanaannaa la marsiinaa,โ€ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ee badbaadinta hantida dalka iyo kan ummadda Soomaaliyeed ayaa noqon kara mid guuleysta haddii shacab iyo Dowlad si wadajir ah loo wajaho, iyadoo dad badani arrintan si weyn u soo dhoweeyeen.

La soco Qeybta 5-aad

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Addis Ababa(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Saraakiil ka socda Mareykanka oo booqday Taliska Ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed

Muqdisho, (SONNA): Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Bashiir Cabdiqaasim, ayaa maanta xarunta Taliska ku soo dhaweeyay saraakiil…

GudahaWararka
November 1, 2024

Imtixaanka Dugsiyadda sare oo saaka dalka ka furmay

Muqdisho(SONNA):-ku-simaha Ra'iisul wasaaraha ahna Ra"iisul wasaare ku-xigeenka XFS ayaa saaka daahfuray Imtixaanka Dugsiyadda sare ee fasalka 12-aad, kaas oo lagu…

GudahaWararka
May 27, 2023

Wasiirka Qoyska oo qaabishay Danjiraha Qatar

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiskeeda kusoo dhaweysay Safiirka…

GudahaWararka
February 26, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Jabuuti

Jabuuti-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka…

GudahaWararka
June 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023