Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
    Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 13, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)–Musuqmaasuq Af Ingiriis waxaa lagu yiraa corruption,  waa nidaamka oo maamul xun iyo been leh kooxda dowladda ama xukumaad ama awood leh. Waxaa kaloo lagu qeexaa Musuqmaasuqa lunsasho hanti Dadweyne Guud ahaan, musuqmaasaqu waa cadaalad daro iyo daacadnimo la’aan uu qof maamul haya ku doorsado lacag, kharash ama balanqaad iyo dane kale oo shakhsi ahaan ah, si kale haddii loo dhigo ama la sii bal ballaarsho waxaan dhihi karnaa Musuqmaasuq waa ka faa’iidaysiga awoodaha iyo ku xoolaysiga sifo sharci darro ah.

Musuqmaasuqa waxa uu baabbi’iyaa nidaamka dawliga ah iyo saamayn ku dhan sifo hay’adaha ee dalalka dunida saddexaad.Xaqiiqo ahaanna, waa aafo weyn oo haysata waddamo badan oo dunida ah. Musuqmaasuqa ugu badani waa kan curyaamiya dhaqaalaha iyo ka naafeeyey caddaaladda waddamada soo koraya, gaar ahaan dalalka u badan Yurubta Bari, Badhtamaha Aasiya, Laatiin Ameerika iyo Afrika.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ee ay soo saarto hay’adda ka shaqaysa qiimaynta heerarka musuqmaasuq ee dunida ee magaceeda la yidhaahdo Transparency International, ee fadhigeedu yahay Jarmalka, waxay soo bandhigtay qiimaynta 180 waddan oo ay ku qiimaysay 0 ilaa 100; iyadoo dalalka ugu wanaagsan ee isbeddel horumar ka sameeyay arrintan ay ku sheegtay kuwa ku yaalla Galbeedka Yurub, oo isku celcelis ahaan helay 66 boqolkiiba, iyada oo ay kaalinta hore ee ugu wanaagsan siiyay dalalka New Zealand iyo Denmark, halka ay derajada ugu hoosaysa siisay Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, in kastoo xoogaa hoos dhaci jira sanadankan.

Haddii aan guda galno dulucda Warbixinta, si loo baabi’yo Musuqa ayaa Golaha Wasiirrada ay meel-mariyey Qaraarka Adkaynta iyo Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Ciribtirka Musuq-maasuqa, hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda dalka iyo kobcinta dakhliga. Qaraarka ayaa muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha iyo in loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud ee qaranka.

Golaha Wasiirrada waxaa kaloo ay ayaa meel-mariyey, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Shirka ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo dheelitirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya  iyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Dhinaca kale Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo isna ka hadalay arrimaha Musuq-maasuqa ayaa Sheegay in Deg deg lagu soo dhameystiri doono Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa, kaasi oo ah Guddi madax banaan, oo ay howshiisu noqon doonto la dagaalanka Musuqa, kaasi oo aan og nahay in la kala diray, wuxuuna xusay Wasiirku in Xubnaha Guddiga la soo dhameystiri doono, kadibna la marsiin doon Golaha Wasiirada XFS, kadibna Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la hor geyn doono.

Madaxweynaha JFS  mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna khudbadii Jumcaha shalay kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha, ayaa aad ugu dheeraaday arrintaasi, isaga oo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay toos warbaahinta ugala socon doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

Madaxweyne Xasan oo arrintaasi ka sii hadlaayay ayaa yiri” qofka dowladda ka tirsan mustawa kasta ha joogee ee hantida Ummadda xada qaanuun ayaa dowladda uga degsan, yaan la soo daba kicin, ogaada walaalayaal dadka Somaaliyeed  meel kasta oo aad joogtaan , tuug ehel maahan , qaraabo maahan , saaxiib maahan oo isku halleeyn magalyo, illeeyn waaba tuuge, yaa la dhaweeysan yaa la qaraabeeysan”. Waa hadal weyn oo wax ku qaadasho leh, ee Soomaaliyeey ha dhaweysan musuqa, cid kastana waa inay ka qeybqaadataa la dagaalankiisa.

Waxaa jira in 20 eedeysane ay u xiran yihiin haatan arrimaha la xariira Musuq-maasuqa, wax isdaba marin iyo lunsasho Hantida Qaranka, sida la soo gaarsiiyay Wakaaladda Waraka Soomaaliyeed ee SONNA. Marka gunta iyo gabgabada waxaan dhihi karnaa waa loo soo jeestay la dagaalanka musumaasuqa, maadama Madaxweyne, Xukuumad iyo shacabba ay diyaar u yihiin ka howlgalinta arrintaasi Qaranka Soomaaliyeed dhabar jab ku ah, marka aan si wadajir ula dagaallanno musyuq-maasuqa maadaama u yahay cadowga Qaranka Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS

Muqdisho(SONNA):-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti,…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan ku saabsan doorka uu shacabka ka qaadan karo amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho—(SONNA)-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga…

GudahaWararka
July 19, 2023

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray dhismaha cusub ee Bangiga Puntland “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray dhismaha cusub ee bangiga dhexe ee Puntland oo meel…

GudahaWararka
June 10, 2021

Ra’iisul wasaare Xamse “Waxaan billaabayna Kacdoon lagula dagaalamayo Musuq-maasuqa”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka…

GudahaWararka
December 18, 2022

Howlgal lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

MUQDISHU-(SONNA)- Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa xalay howlgal ay ka sameeyen duleedka deegaanka…

GudahaWararka
September 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023