Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 13, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)–Musuqmaasuq Af Ingiriis waxaa lagu yiraa corruption,  waa nidaamka oo maamul xun iyo been leh kooxda dowladda ama xukumaad ama awood leh. Waxaa kaloo lagu qeexaa Musuqmaasuqa lunsasho hanti Dadweyne Guud ahaan, musuqmaasaqu waa cadaalad daro iyo daacadnimo la’aan uu qof maamul haya ku doorsado lacag, kharash ama balanqaad iyo dane kale oo shakhsi ahaan ah, si kale haddii loo dhigo ama la sii bal ballaarsho waxaan dhihi karnaa Musuqmaasuq waa ka faa’iidaysiga awoodaha iyo ku xoolaysiga sifo sharci darro ah.

Musuqmaasuqa waxa uu baabbi’iyaa nidaamka dawliga ah iyo saamayn ku dhan sifo hay’adaha ee dalalka dunida saddexaad.Xaqiiqo ahaanna, waa aafo weyn oo haysata waddamo badan oo dunida ah. Musuqmaasuqa ugu badani waa kan curyaamiya dhaqaalaha iyo ka naafeeyey caddaaladda waddamada soo koraya, gaar ahaan dalalka u badan Yurubta Bari, Badhtamaha Aasiya, Laatiin Ameerika iyo Afrika.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ee ay soo saarto hay’adda ka shaqaysa qiimaynta heerarka musuqmaasuq ee dunida ee magaceeda la yidhaahdo Transparency International, ee fadhigeedu yahay Jarmalka, waxay soo bandhigtay qiimaynta 180 waddan oo ay ku qiimaysay 0 ilaa 100; iyadoo dalalka ugu wanaagsan ee isbeddel horumar ka sameeyay arrintan ay ku sheegtay kuwa ku yaalla Galbeedka Yurub, oo isku celcelis ahaan helay 66 boqolkiiba, iyada oo ay kaalinta hore ee ugu wanaagsan siiyay dalalka New Zealand iyo Denmark, halka ay derajada ugu hoosaysa siisay Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, in kastoo xoogaa hoos dhaci jira sanadankan.

Haddii aan guda galno dulucda Warbixinta, si loo baabi’yo Musuqa ayaa Golaha Wasiirrada ay meel-mariyey Qaraarka Adkaynta iyo Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Ciribtirka Musuq-maasuqa, hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda dalka iyo kobcinta dakhliga. Qaraarka ayaa muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha iyo in loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud ee qaranka.

Golaha Wasiirrada waxaa kaloo ay ayaa meel-mariyey, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Shirka ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo dheelitirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya  iyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Dhinaca kale Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo isna ka hadalay arrimaha Musuq-maasuqa ayaa Sheegay in Deg deg lagu soo dhameystiri doono Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa, kaasi oo ah Guddi madax banaan, oo ay howshiisu noqon doonto la dagaalanka Musuqa, kaasi oo aan og nahay in la kala diray, wuxuuna xusay Wasiirku in Xubnaha Guddiga la soo dhameystiri doono, kadibna la marsiin doon Golaha Wasiirada XFS, kadibna Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la hor geyn doono.

Madaxweynaha JFS  mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna khudbadii Jumcaha shalay kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha, ayaa aad ugu dheeraaday arrintaasi, isaga oo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay toos warbaahinta ugala socon doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

Madaxweyne Xasan oo arrintaasi ka sii hadlaayay ayaa yiri” qofka dowladda ka tirsan mustawa kasta ha joogee ee hantida Ummadda xada qaanuun ayaa dowladda uga degsan, yaan la soo daba kicin, ogaada walaalayaal dadka Somaaliyeed  meel kasta oo aad joogtaan , tuug ehel maahan , qaraabo maahan , saaxiib maahan oo isku halleeyn magalyo, illeeyn waaba tuuge, yaa la dhaweeysan yaa la qaraabeeysan”. Waa hadal weyn oo wax ku qaadasho leh, ee Soomaaliyeey ha dhaweysan musuqa, cid kastana waa inay ka qeybqaadataa la dagaalankiisa.

Waxaa jira in 20 eedeysane ay u xiran yihiin haatan arrimaha la xariira Musuq-maasuqa, wax isdaba marin iyo lunsasho Hantida Qaranka, sida la soo gaarsiiyay Wakaaladda Waraka Soomaaliyeed ee SONNA. Marka gunta iyo gabgabada waxaan dhihi karnaa waa loo soo jeestay la dagaalanka musumaasuqa, maadama Madaxweyne, Xukuumad iyo shacabba ay diyaar u yihiin ka howlgalinta arrintaasi Qaranka Soomaaliyeed dhabar jab ku ah, marka aan si wadajir ula dagaallanno musyuq-maasuqa maadaama u yahay cadowga Qaranka Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulamo lagu xallinayo xiisad ka taagnayd degaanka Abaaleey oo ka socda Degmada Feer-feer ee xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Feef-feer-(SONNA)-Xubno ka mid ah Wasiirrada Hirshabeelle, maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta kulan…

Wararka
June 21, 2020

Soomaaliya ayaa soo bandhigtay axdiga Qaran ee dhimista wasaqowga hawada

Dubai (SONNA): Dowladda Soomaaliya  ayaa soo bandhigtay axdiga Qaran ee dhimista wasaqowga hawada (NDC). Waa qorshaheedii ugu horeeyay ee looga…

GudahaWararka
December 5, 2023

Qaar kamid ah xujeyda Soomaalida oo gaaray Magaalada Maka Al-Mukarama

Xujeyda Soomaaliyeed ee maalmahaan ku sugnaa Magaalada  Madiinah Al Munawarah ayaa bilaabay in ay u baqoolaan magaalada Makkah Al Mukkarama…

Gudaha
June 9, 2023

Maxkamadda ICJ oo beri dhageysanaysa gunaanadka dacwadda baddeenna

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaca ka qaaday in maalinta beri ah…

Wararka
March 17, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023