Muqdisho(SONNA) Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa ku celiyay in bandowga ka dhaqangalay magaalada Muqdisho uu qayb ka yahay xakameynta faafitaanka cudurka qatarta badan ee COVID-19.
Taliyaha booliska oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa shacabka xusuusiyay in xalay ay ahayd habeenkii uu bilaabanayay bandowga, kaasi oo saameyn doona isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo xarumaha kale.
“Waxaan doonayaa in aan mar kale ku wargeliyo shacabka Soomaaliyeed, in uu dhaqangalka bandowgu uu bilaabanayo caawa 8:00 haddii Alle idmo, sidaas darteed waxaan muwaadiniinta sharafta leh fareynaa in ay u hoggaansamaan”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska oo xalay warbaahinta la hadlay
Taliyaha ayaa amray in ciidamada amniga ay xaqiijiyaan dhaqan galka bandowga, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee Coronavirus.
Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in uusan bandowga saameyn doonin, xarumaha caafimaadka, goobaha lagu iibiyo raashinka qalalan iyo saxafiyiinta oo uu sheegay inay Ummadda u hayaan shaqooyin muhiim ah. Isagoo ciidanka ka dalbaday inay caawiyaan bukaanada xanuun ee doonaya in la geeyo goobaha caafimaadka.