Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay tartanka Qur’aan akhriska ee heer Qaran.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay madaxda wasaaradaha Awqaafta heer Federaal iyo heer dowlad goboleeda iyo gobolka Banaadir, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, culimaaudiin iyo waalidiin.
Tartanka oo sanadkii 2aad uu taabageliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka qeybgalaya arday ka socota, maamullada; Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Khaatumo.
Dhamaan mas’uuliyiintii iyo culimadii ka hadashey munaasabada tartanka quraanka akhriska ah ayaa ku amaanay madaxda Qaranka sida ugu istaageen horumarinta Quraanka Kariimka ah, kuna baaqay in dolwadda laga taageero dadaalka ay wado oo dhankasta leh.