Muqdisho-(SONNA)-Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Mawro Maryama Maxamed Xuseen ayaa maanta khaddka telefoonka uga qeyb gashay xuska 5-ta May ee maalinta umulisooyinka aduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Maamulka, umulisooyinka iyo ardayda baranaya Umulisinimada ee Isbitaalka tababarada iyo Cilmi Baarista Recep Teyyip Erdoฤan ee Muqdisho ayaa soo agaasimay munaasabaddan wayn ee lagu xusayay maalinta Umulisooyinka Aduunka, kaas oo lagu qabtay Isbitaalka Erdogan qeybta tababarada iyo Cilmi Baarista Recep Teyyip Erdoฤan.
Maamulka cisbitaalka oo goobjoog ka ahaa munaasabadaan ayaa u rajeeyay guul dhamaan umulisooyinkii si daacadnimo ah usoo gutay waajibaadkan muqadaska ah iyadoo aan loo eegin xiliga iyo caqabadaha jira.
Mawro Maryama Maxamed Xuseen kusimaha wasiirka ahna wasiiru Dowlaha wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa hambalyo ku aadan maalintan u dirtay umulisooyinka Soomaaliya, iyadoo xustay ahmiyada ay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamkaba ku dhex leeyihiin umulisooyinka.