Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Munaasabad loogu duceeynayay Wakiilkii Akadeemiyad G/baleedka(AGA) ee K/Galbeed oo Muqdisho lagu qabtay+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Munaasabad loogu duceeynayay Wakiilkii Akadeemiyad G/baleedka(AGA) ee K/Galbeed oo Muqdisho lagu qabtay+sawirro
Wararka

Munaasabad loogu duceeynayay Wakiilkii Akadeemiyad G/baleedka(AGA) ee K/Galbeed oo Muqdisho lagu qabtay+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 22, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatey munaasabad ku saabsan Xus iyo Xusuus loo samaynayay Wakiilkii Akadeemiyada AGA ee K/Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Baydhabo!

Munaasabaddaasi oo ujeedadeedu aheyd sidii loogu duceyn lahaa marxuumka geeriyooday ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka ee (SONNA) iyo Wargeyska Dalka Cali C/qaadir Cali agaasimaha xiriirka dowlada Gobaleedyada ee Wasaaradad Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska C/llaahi Xasan Cali,xubno ka socday wasaaradad waxbarashada DFS, Guddoonka Akadeemiye-Goboleedka, madaxda Golaha Abwaannada, wakiilo ka matalayay bahda afka, qoraalka iyo akhriska, xubno ka socday ehelada marxuumka iyo marti sharaf kale oo badan.

Furitaankii munaasabaddaasi ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo sheegay inuu guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo asaxaabtii uu ka baxay Wakiilkii AGA ee K/Galbeed uu uga tacsiyaynayo geeridi ku timid marxumkaasi, isaga oo caddeeya inuu Alle uga baryayo inuu Jannadiisa ka waraabiyo.

โ€œProf. Kalaay waxa uu ahaa aqoonyahan qaali ah oo mudan in la xuso, maadaama uu wax badan u soo qabtay ummaddiisa, waxaana lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa daryeelka iyo hiilka afka hooyoโ€ayuu yiri Prof Afrax oo iftiimiyay in shaqsi qiima badan uu ka baxay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Munaasabaddaasi waxaa lagu soo bandhiggay taariikh nololeedkii Prof. Maxamed Cali Kalaay, waxaana halkaasi ka soo jeediyay Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiye-Goboleedka, isaga oo si cilmiyaysan u faah-faahiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray marxuumka.

Wasiirkii hore Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Saalax Sheikh Cusmaan, La-taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Dr. Cabdi-shakuur Shiikh Xasan Fiqi, Guddoomiyaha Golaha Abawaannada Soomaaliyeed Abwaan Xisri Dhuux iyo Agaasimaha Wakalaadda Warrarka Soomaaliyeed iyo Wargayska Dalka ee Wasaaradda Warfaafinta Cali C/qaadir Aadan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka tacsiyeeyay geerida Prof. Kalaay, iyaga oo soo jeediyay in si wadajir ah loogu duceeyo marxuumkaasi.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Prof. Fawsi Cabdi-nuur Maxamed oo ka tirsan Golaha Aqoonayahannada Koonfurta Soomaaliya, Guddoomiyaha naadiga Hillin-hayaan C/qaadir Axmed Jubba iyo Cali Maxโ€™ed Kalaay oo ku hadlyay afka ehelada ayaa ka sheekeeyay qeybo ka mid ah taariikhdii marxuumka iyo doorkii uu ku lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Prof. Maxamed Cali kalaay waxa uu sannadkii 1953 ku dhashay magaalada Baydhabo, waxaa uu soo noqday Wasiirkii Tacliinta Sare Dawladdii Carte, waxa uu ahaa aasaasihii Jaamcadda Koonfurta Soomaaliya, waxa uu ahaa Wakiilkii Akadeemiyada AGA ee K/Galbeed, noloshiisa inteeda badan waxa uu ku soo qaatey dhinacyada waxbarashada iyo daryeelka afka, dhaqanka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Belgium oo kulan ku yeeshay New-York

Yew-York-(SONNA)_Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Max'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shir gaar ah magaalada New York kulaย  yeeshay Raโ€™iisul Wasaaraha dalka…

Wararka
September 25, 2019

Duqa Muqdisho oo ka qayb galay dibad bax ka dhan ah damaca gurracan ee Itoobiya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ayaa…

GudahaWararka
January 3, 2024

Daminta Dabkii ka kacay xalay Suuqa Ganacsiga Jigjiga oo lagu guulaystay

Jigjiga(SONNA):-Jigjiga(SONNA)waxa xalay abaaro 11:20 habeenimo Dab khasaare badan geystay ka kacay Suuqa Ganacsiga ee magaalo madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee…

GudahaWararka
July 8, 2023

Amb: Kullane oo ka qeyb galay Munaasabad lagu daah-furayay xarunta iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Beijing,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayay Xarunta…

GudahaWararka
July 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023