Muqdisho.(SONNA):- Munaasabad lagu maamuusayay xaasaska, carruurta iyo qoysaskii ay ka shahiideen halyeeyadii ka tirsanaa Ciidamada Qalabka Sida ee ku geeriyooday dagaallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah ee Alshabab ayaa lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Abshir Maxamed Axmed oo madasha ka ย hadlay ayaa tilmamaamy in Haweenka Soomaaliyeed ay hormuud ay u yihiin halganka dalka looga soorayo khawaarijta caadeysatay daadinta dhigga shacabkeenna, isaga oo xusay in qoysaska ay ka tageen shuhadadii ku shahiiday halganka xoreynta dalka ay dowladdu u taagan tahay daryeelkooda.
โShidaalka uu ku socdo qorshaha qaran ee xoreynta dalka waa Haweenka Soomaaliyeed, sidoo kale, waxa ay aas-aas u yihiin Soomaaliya guuleysata oo horumaransan. Maanta waxa aan halkan u taagannahay maamuuska hooyooyinka ay ka shahiideen qaar ka mid ah halyeeyadii Ciidamada Qalabka Sida ee u dhintay difaaca dalkeennaโ
Munaasabadda xuska maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso oo lagu qabtay Madaxtooyada, taas oo lagu maamuusay sannadkan qoysaska halyeeyadii u shahiiday xoreynta dalka ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, Agaasime Ku-xigeenka Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo howlwadeennada Madaxtooyada Qaranka.